4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 2 , 2012
Ciidamada Booliiska iyo Nabadsugidda DKMG Soomaaliya oo lagu wareejiyay Sugidda Ammaanka Deegaannada loo Barakacay

Sabti, June 02, 2012 (HOL) — Ciidamada Booliiska iyo kuwa nabad-sugidda DKMG ah ee Soomaaliya ayaa lagu wareejiyay ammaanka deegaannada loo barkaacay ee duleedka Muqdisho, halkaasoo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay toddobaad ka hor ka qabsadeen xoogaggii Al-shabaab ee ka talin jiray.

Saraakiisha ciidamada dowladda KMG ah ayaa sheegay in howgallo laga sameeyay maanta deegaanka Ceelasha biyaha lagu soo qabtay taliyihii ciidamada Al-shabaab ee deegaankaas, iyadoo ay soo qabteen ciidammo gaar ah oo wajiga xirtay.

Ciidamada dowladda ayaa waxay saldhigyo ka sameysteen deegaannada loo barakacay, iyagoo halkaas si rasmi ah ugala wareegay ciidamada milateriga Soomaaliya oo ku sugnaa tan iyo markii ay Al-shabaab kala wareegeen.

"Deegaannada laga saaro Al-shabaab waxaa lagu wareejinayaa booliiska, ceebtii ka timaadana iyaga ayaa dusha u ridan doona," ayuu yiri taliye ku xigeenka ciidamada milateriga Soomaaliya, Jen. C/kariin Dhego-badan oo goobta ka hadlay.

Inkastoo ciidamada booliiska iyo kuwa nabadsugiddu ay la wareegeen deegaannada loo barakacay haddana jidkaas ayaa waxaa ka jirta cabsi weyn iyo weerarro ay mar walba kusoo qaadaan xoogagga Al-shabaab.

Baaritaanno ay ciidamada dowladdu ka sameeyeen deegaanka Ceelasha biyaha ayaa lagu soo qabtay dhallinyaro fara badan oo la sheegay inay Al-shabaab xiriir la lahaayeen, kuwaasoo loosoo qaaday dhinaca Muqdisho.

Saraakiisha ciidamada dowladdu ma sheegin xilliga maxkamad lasoo taagayo, balse waxay sheegeen in ruuxii aan dambi lahayn lasii dayn doono baaris kaddib, ruuxii dambi yeeshana yeesha la xukumi doono.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya