4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 2 , 2012
Ban Ki-Moon oo ka digay in Dagaal-oogayaashii Soomaaliya ay mar kale la wareegaan Awoodda Soomaaliya


Sabti, June 02, 2012 (HOL) — Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon ayaa uga digay wufuuddii ka qaybgashay shirkii looga hadlay mustaqablka Soomaaliya ee labada maalmood ka socday magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga in mar kale ay awoodda Soomaaliya la wareegaan dagaal-oogayaashii Soomaaliya.

Mr. Ki-Moon ayaa sheegay in dagaal-oogayaasha ay ka faa'iideysan karaan markaan xagga maamulka ah oo timaada marka uu dhamaado xilliga KMG ah ee ay dowladda hadda jirta shaqeynayso.

"Si looga hor-istaago hoggaamiyeyaashii dagaalka Soomaaliya inay awoodda mar kale la wareegaan waa in beesha caalamka ay kordhiso dhaqaalaha ay siiso dalka Soomaaliya; sidoo kalena ay qayb ka qaataan sidii lagu soo celin lahaa degnaasho ka hirgasha Soomaaliya," ayuu yiri Ban Ki-Moon.

Waqtiga ay shaqeynayso dowladda KMG ah ayaa wuxuu ku eg-yahay bisha Ogoosto ee soo socota, wuxuuna xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uu sheegay in shirka ka dhacay Istabuul uu muujiyay ballanqaadyo wanaagsan oo loogu diyaar-garoobayo xilliga kala guurka ah.

"Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu ii ballanqaaday in xilliga KMG ah lasoo afjarayo waqtigii loogu talogalay, wufuudda shirka kasoo qaybgashayna waxay rajo wanaagsan ka qabaan in Soomaaliya ay yeelato dowlad cusub oo loo dhan yahay," ayuu yiri Ban Ki-Moon.

Xoghayaha guud wuxuu kula taliyay dowladda cusub ee Soomaaliya inay noqoto mid leh heerarka kala duwan ee caalamiga ah, sida inay dhowrto xuquuqda aadanaha, isagoo sheegay in dastuurka dowladda cusub afti looga qaado dadka oo dhan iyadoo aan loo eegayn jinsi, midan iyo siyaasad.

Mr. Ki-Moon wuxuu soo dhaweeyay in haweenku ay 30% ku yeeshaan baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ay yeelanayso, isagoo ku taliyay in si taxadar leh looga fiirsado hirgelinta heshiisyadii la gaaray.

Dhanka kale, wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Turkiga, Axmed Daa'uud Oogle oo isna ka hadlay shirkii ayaa sheegay in dib u soo noolaashada Soomaaliya ay ku xiran tahay saddex arrimood oo kala ah: Deggenaasho siyaasadeed oo la helo, horumar dhinaca dhaqaalaha ah iyo ammaanka oo la adkeeyo.

Shirkan oo aan ahayn mid dhaqaale lagu yaboohayay ayaa waxaa madaxdii dunida ka socotay ee ka qaybgalay waxay isku raaceen in Soomaaliya aysan wixii hadda ka dambeeya aan lagu cidleynayn wax ka qabashada ammaankeeda, iyadoo la isku raacay in la sameeyo Sanduuq dhaqaale oo wax looga qabanayo deggenaasho la'aanta Soomaaliya ka jirta.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya