4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 19, 2012
Dagaalyahan Soomaali ah oo la sheegay inuu Ismiidaamin ku dilay Taliyihii Ciidamada ee Koonfurta dalka Yemen


Talaado, June 19, 2012 (HOL) — Wasaaradda gaashaandhigga ee dalka Yemen ayaa sheegtay in ruuxii fuliyay qarax ismiidaamin ah oo lagu dilay taliyaha ciidamada Yemen ee Koonfurta Yemen uu ahaa Soomaali waxyaabaha qarxay isku soo xiray.

Taliyaha oo lagu magacaabi jiray, Jen. Saalim Cali Qatan ayaa waxaa lagu dilay magaalada dekedda leh ee Cadan, kaddib markii ruux natiis-hure ah uu gaarigii uu watay isku qarxiyay, waxaana sarkaalkan la dhintay laba qof oo midi uu ahaa darawalkiisii.

Jen. Ali Qatan ayaa dagaal adag kula jiray kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ee dalka Yemen ka dagalaanta, iyadoo la sheegay in ninka isku qarxiyay ay da'diisu ahayd labaatameeyo sano.

"Dhaawac halis ah ayaa taliyaha gaaray, wuxuuna dhintay intii uu Isbitaalka loo waday. Sidoo kale waxaa la dhintay laba ruux oo caawiyeyaashiis ahaa," ayaa lagu yiri warbixin kasoo baxday dowladda Yemen.

Ruux goobjooge ah ayaa laga soo xigtay in ruuxa qarax sameeyay uu xirnaa suun ay waxyaabaha qarxa ku rakiban yihiin, uuna taagnaa muddo dheer goobta uu ka dhacay qaraxa oo ku taalla xaafadda Mansuur ee magaalada Cadan.

"Baabuurkii uu watay Jen. Cali Qatan ayaa waxaa mar qura ka kacay qarax weyn, dhiig badan ayaa dhulka oo dhan buuxiyay, xaaladuna waxay ahayd mid aad naxdin u leh," ayuu yiri goobjooge halkaas ku sugnaa.

Taliyaha la dilay ayaa lagu tilmaamay inuu ahaa mid guulo waaweyn kasoo hoyay dagaalka lagula jiro kooxaha xiriirka la leh Al-Qaacida ee dalkaas ka dagaalama, waxaana xilliga la dilayay uu ku socday shaqadiisa.

Madaxweynaha dalka Yemen, Cabdi-rabbi Mansuur Haddi ayaa sheegay in taliyahan uu bedelayo ku xigeenkiisii Jen. Mahdi Magwala, kaasoo ka mid ahaa saraakiishii sida weyn ugu dhawaa madaxewynihii hore ee dalkaas Cali Cabdalla Saalax.

Kooxda Ansaarul-Shariica ee dalka Yemen ayaa sheegatay inay weerarkaas iyadu mas'uul ka ahayd, inkastoo aysan sheegin ruuxa fuliyay dhalashadiisa, iyadoo tani ay noqonayso markii ugu horreysay oo ruux Soomaali ah uu qarax ismiidaamin ah ka geysto dalka Yemen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya