4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 19, 2012
Iskahorimaad khasaare geystay oo ciidammo kawada tirsan DKMG ah ku dhexmaray Muqdisho iyo Mayd la helay

Talaado, June 19, 2012 (HOL) — Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay iska-horimaad ciidammo kawada tirsan dowladda KMG ah ku dhexmaray maanta degmada Hodan ee gobolka Banaadir, iyadoo sidoo kale maydka qof rayid ah laga helay xaafadda Wajeer ee degmada Kaaraan.

Taliyaha saldhigga booliiska degmada Hodan, G/sare Xasan Maxamed Abuukar oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in ciidammo ka tirsan kuwa booliiska degmada iyo ciidammo kale oo ku labisan tuute uu dhexmarya iska-horimaadka ayna gacanta ku dhigeen mid ka mid ah ciidamadaas.

"Saakay ayaa waxaa naloo soo sheegay rag ku labisan tuute oo gaadiidka lacago aan sharci ahayn ka qaadaya, markii ay arkeen ciidammo aan goobta u dirnay ayay rasaas ku billaabeen, waxaana noo suurogashauy inaan qabanno mid ka mid ah oo aan u gudbinayno maxkamadda ciidamada," ayuu yiri taliyaha saldhigga degmada Hodan.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in iskahorimaadka oo ka dhacay agagaarka warshadda caanaha uu u dhexeeyay ciidammo milateri ah oo halkaas saldhig ku leh iyo askar booliis ah, ayna arkeen maydka haweeney shacab ah oo rasaastu ay ugu tagtay gurigeeda.

Dhanka kale, maydka nin la sheegay inuu muddo dheer dalka ka maqnaa ayaa laga helay saakay guri ku yaalla xaafadda Wajeer ee degmada Kaaraan, iyadoo dadka ku sugan xaafaddaas ay sheegeen in ninkan lagu dilay gurigiisa dhexdiisa.

"Walaaloow saakay ayaa la arkay maydka ninkan, waxaana toorreey laga geliyay surka, runtiina cabsi weyn ayay arrintan nagu beertay," ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka oo ka warbixinayay maydka qofka rayidka ah ee la helay.

Maamulka degmada Kaaraan ayaan ka hadlin maydka ruuxan rayidka ah ee laga helay degmadaas, iyadoo ruuxa la dilay la sheegay inuu muddo sannado ah ku maqnaa dalka Yemen uuna dhowr cisho ka hor kusoo laabtay Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya