4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 19, 2012
Dagaal khasaare dhaliyay oo Ciidamada DKMG iyo Al-shabaab ku dhexmaray deegaan hoostaga Degmada Garbahaareey

Talaado, June 19, 2012 (HOL) — Wararka aynu ka heleyno gobolka Gedo ayaa sheegaya in shalay gelinkii danbe dagaal aad u culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan uu ka qarxay deegaanka Tuulo Barwaaqo oo hoostaga degmada Garbahaareey ee gobolka Gedo.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Ciidamada dowladda KMG ay weerar ku qaadeen saldhig ay xoogagga Al-shabaab ku lahaayeen deegaanka Tuulo Barwaaqo, waxaana labada dhinac halkaasi ku dhexmaray dagaal aad u culus.

Warar iskhilaafsan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi, iyadoona warar ka madax banaan dhinacyadii dagaalamay ay sheegayaan in ilaa sedex qof oo dhinacyadii dagaalamay ah ay ku dhinteen dagaalkii shalay, halka dhaawacuna intaa ka badanyahay.

Galad Maxamed Daahir oo kamid ah saraakiisha dowladda ee gobolka Gedo oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in weerarka ay iyagu qaadeen, wuxuuna xusay in howlgalkii shalay uu u dhacay sidii loogu talo galay, islamarkaasina ay ku dileen laba kamid ah dagaalyahannada Al-shabaab, wuxuuna sheegay in dhankooda uusan jirin khasaare kasoo gaaray dagaalkaasi.

Saraakiil u hadashay Al-shabaab ayaa iyaguna dhankooda guulo ka sheegtay dagaalkii shalay, waxayna wararku sheegayaan in dhinacyadii dagaalamay ay isku horfadhiyaan duleedka deegaanka Tuulo Barwaaqo oo hoostaga degmada Garbahaareey ee gobolka Gedo.

Ciidamada dowladda KMG ayaa mudooyinkan danbe ka bilaabay gobolka Gedo weerarro qorsheysan oo ay la beegsanayaan saldhigyada xoogagga Al-shabaab ay ku leeyihiin gobolkaasi.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya