4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 19, 2012
Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay Wadahadallada ay la yeelanayso Somaliland ee berri ka furmaya London

Talaado, June 19, 2012 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka DKMG ah ee Soomaaliya, Cabdisamad Macallin Maxamuud oo ah madaxa guddiga ay u saartay dowladda Soomaaliya wadahadallada Somaliland lala yeelanayo ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay waxyaabaha laga filayo inay shirkaas kasoo baxaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa u magacowday shirkan inay uga qaybgalaan shan xubnood oo ay ku jiraan saddex wasiir oo kala ah: wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka, wasiirka arrimaha dibadda, wasiirka hidda iyo tacliinta sare iyo laba xildhibaan.

"Waxaan rajeynayaan in wadahadallada ay kasoo baxaan natiijooyin wanaagsan oo dan u ah Soomaaliya, guddiga aan madaxda u ahay waxay diyaar u yihiin inay London u ambabaxaan," ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya.

Shirkan ayaa waxaa looga hadlayaa arrimo ay ka mid yihiin: siyaasadda, nabadgalyada iyo sidii xiriirka Soomaaliya iyo Somaliland loo hagaajin lahaa, waxaana lagu wadaa inuu maalinta berri ah ka furmo magaalada London ee xarunta dalka Britain.

Guddigii Somaliland ay u saartay inay shirkaas ka qaybgalaan ayaa iyaguna maalin ka hor u ambabaxay London, waxaana guddigaas oo uu guddoominayo wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland, Maxamed Cabdullaahi Cumar ay sheegeen inaysan kala hadli doonin wafdiga dowladda KMG ah la socda arrimo la xiriira midowga dalka Soomaaliya.

Xubnahan dowladda KMG ah u matalaya wadahadallada ayaa la bedelay, iyagoo horay u ahaa toddoba xubnood oo ay ku jireen laba xubnood oo Puntland ka socday balse markii ay diidday Somaliland inay xubnahaas la fariisato ayaa la bedelay, lamana oga go'aanka ay Puntland qaadan doonto.

Wadahadalladan dhexmaraya dowladda Soomaaliya iyo Somaliland ayaa noqonaya kuwii ugu horreeyay oo labada dhinac dhexmara muddo 20-sano ka badan, iyadoo lagu go'aamiyay shirkii bishii Feberaayo ee sannadkan ka dhacay London in DKMG ah iyo Somaliland ay ka hadlaan mustaqbalkooda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya