4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 18, 2012
Orodyahan Soomaaliyeed oo ku guuleystay Orodka 5000m (SAWIRRO)


Isniin, June 18, 2012(HOL): Orodyahan Soomaaliyeed oo degan magaalada Nijmegen una orda dalka Holland ayaa ku guuleystey oradka 5000m ee dalka Holland oo lagu qabtey  magaalada Amsterdam garoonkeeda Olympicsh Stadion taariikhdu marka aheyd 18 June 2012.

Guusha uu ka keenay oradka NK Athletiek 2012 . finalka 5000m  Orodyahan Cabdi Nageeye ayaa ah mid muujineysa in Yurub iyo meelaha ay Soomaalida u soo baxeen ee qurbaha laga heli karo orodyahanno Soomaaliyeed oo awood u leh inay guulo la taaban karo ka keenaan oroddada caalamka haddii Eebe idmo.


Orodka 5000m ee uu ku guuleystay Orodyahan Cabdi Negeeye waxaa ay dadka Soomaaliyeed ku xusuusan karaan Orodyahan MO Farah oo u orda dalka Britain, kaasi oo guulo ka soo hooyay tartammo uu ka qeybgalay, waxaaney taasi marag muujin u tahay in dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ay weli ka muuqdaan fagaarayaasha caalamka iyo kuwa heer gobol.

Taariikh hore oo Orodka dhankiisa ah haddii aynu soo qaadanana  sanadkii 1987-kii ayay Soomaaliya noqotay horyaalka Orodka 1500 m, waxaana orodkaas oo lagu qabtay magaalada Rome-Italy  ku guuleystay orodyahan Cabdi Bile Cabdi, isagoo noqday qofkii ugu horreeyay oo Soomaali ah oo natiijadaas guusha weyn xambaarsan keenay. Sidoo kalena Cabdi Bile mar kale ayuu sanadkii 1989-kii noqday horyaalnimada orodka adduunka ee 1500 m, wuxuuna orodkan dambe ka dhacay Barcelona-Spain.



Yusuf Yusuf
SSPA MEDIA
Amsterdam, Holland