4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 18, 2012
Hoggaamiyaha Guud ee Al-shabaab oo sheegay inay sii wadayaan dagaallada inta ay ka hirgelinayaan Soomaaliya Dowlad Islaami ah

Isniin, June 18, 2012 (HOL) — Hoggaamiyaha ugu sarreeya Xarakada Al-shabaab, Sheekh Mukhtaar C/raxmaan Abuu-Zubeyr oo cajalad maqal ah oo uu soo saaray ku sheegay inay dagaallada wadayaan inta ay Soomaaliya ka hirgelinayaan dowlad Islaami ah.

Abuu-Zubeyr wuxuu ku eedeeyay dalalka reer galbeedka ah inay dhibaatooyin ku hayaan Soomaaliya, isagoo sheegay inay duullaan kusoo qaadeen markii ay arkeen horumarka ka socda gobollada ay ka taliso Al-shabaab.

"Dalalka galbeedka oo uu Mareykanku ka mid yahay ayaa waxay billaabeen inay nagu soo duullaan markii ay arkeen inay sare u kaceen wax-soo-saarka beeraha, ganacsiga, nabadda, cadaaladda iyo garsoorka ayay kusoo duuleen, si ay meesha uga saaraan horumarkaas oo dhan," ayuu yiri Abuu-Zubeyr.

Hoggaamiyuhu wuxuu sheegay in iyaguna aysan ka laabanayn go'aankooda ah inay la dagaalamaan AMISOM iyo dalka Mareykanka oo uu ku sheegay inuu dabada ka riixayo, wuxuuna rajo-wanaagsan ka muujiyay inay guul-dareysan doonaan.

"Mareykanka markii uu ku fashilmay duullaankii 1993-kii, Itoobiya oo uu soo dirsadayna ay fashilantay, wayna guuldareysan doonaan mar kale, sidoo kalena AMISOM waxaa sugaysa guuldarro taas la mid ah," ayuu yiri Amiirka Al-shabaab.

Sidoo kale, hoggaamiyaha Al-shabaab oo dhawaan uu Mareykanku dul-dhigay lacag abaalmarin ah oo gaarysa toddoba milyan oo doollar ayaa wuxuu sheegay inuusan taas waxba u arag, isagoo ugu baaqay xoogagga Al-shabaab inaysan iskhilaafin, ayna adeecaan hoggaamiyahooda, adkeeyaanna walaalnimada dhexdooda ah si ay ugu guuleystaan hadafkooda.

Abuu-Zubeyr wuxuu cajaladiisa ku sheegay in dowlad Islaami ah oo laga dhaliyo Soomaaliya aysan ahayn mid fudud, balse la marayo imtixaan adag oo dadka lagu kala miirayo, wuxuuna sheegay in hadafkooda aysan marnaba ka leexanayn.

Ugu dambeyn, wuxuu ku eedeeyay dalalka reer galbeedka inay cunno-qabteyn ku hayaan dadka Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibadda ku nool, isagoo tusaale u soo qaatay in xoolaha Soomaaliya la xayiray kaddib markii lagu sheegay jirrooyin aysan qabin, sidoo kalena dhawaan ay xayiraad kusoo rogeen xawaaladaha Soomaalida.

Madaxda Soomaalida ayuu ku eedeeyay inay adeeceen gaalada, isagoo sheegay in qofkii adeeca gaalada iyo fikradaha ay wataan uu yahay qof ka baxay diinta Islaamka, inkastoo uusan banneyn dilkooda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya