4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 17, 2012
Tartan Qur'aan Akhris Muqdisho loogu qabtay Arday Soomaaliyeed (SAWIRRO)


Axad, June 17, 2012 (HOL) — Tartankan oo ahaa mid loogu magac-daray isbedelka dhallinyarda (Youth for Change) ayna fulinaysay ha'yadda CPD (Center for Peace & Democracy) ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho, kaasoo ay ku tartameen 60-arday.

Hay'adda CPD ayaa tartankn ku qabatay xarun ay ku leedahay dugsigii sare ee Raage Ugaas ee degmada Waaberi, halkaasoo ay wax ku bartaan dhallinyaro gaaraysa 250 kuwaasoo xalaado khatar ah ku jiray markii hore.

Ardayda oo laga soo ururiyay degmooyinka gobolka Banaadir ayaa waxay isugu jireen kuwo illaalo u ahaa mas'uuliyiin hubeysan, kuwo ka tirsanaa Al-shabaab iyo kuwo kale oo xaalad khatar ah ku jiray, waxaana hay'adda CPD ay muddo lix bilood ah u wadday howlo lagu barayay diinta Islamka iyo xirfado kala duwan si loo bedelo dhaqankooda iyo noloshooda.


Madaxa mashaariicda hay'adda CPD ahna madaxa mashruucan, Maxamed Caabbi Xasan ayaa sheegay in tartankan uu yahay mid loogu talogalay kor u qaadidda aqoonta dhallinyaradan oo markii hore noloshoodu khatar ku jirtay, isagoo sheegay in tartankan uu qayb ka yahay tartamo kale oo fara badan.

"Dhammaan ardaydii kasoo qaybgashay tartankan waan u mahadcelinaynaa, waxaana dib ka shaacin doonnaa ardayda tartanka ku guuleysatay," ayuu yiri Caabbi oo sheegay in tartanku uu ku dhacay si wanaagsan.

Tartankan ayaa qayb ka ah tartammo kala duwan oo loo qabanayo dhallinyarada wax lagu baray xarunta hay'adda, waxaana shalay la qabtay tartan isboorti iyadoo maantana la qabtay tartanka Qur'aan Kariimka ah.

Hay'adda CPD ayaa sheegtay in tartannadan ay socon doonaan muddo laba toddobaad iyadoo dhallinyarada ku guuleysta lagu wado in loo qabto xaflad lagu abaalmarinayo.

Magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya ayaa waxaa tan iyo markii uu isbedelku ka dhacay ka dhacayay tartamo kala duwan oo lagu baraarujinayo qaybaha bulshada kuwaasoo ay ugu horreeyaan dhallinyarada.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya