4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 17, 2012
Qarax loo adeegsaday gaari waxyaabaha Qaraxa laga buuxiyay oo ka dhacay Suuqa Labaad ee Muqdish ugu weyn

Axad, June 17, 2012 (HOL) — Qarax loo adeegsaday gaari waxyaabaha qaraxa ay ka buuxaan ayaa goor-dhaweyd ka dhacay suuqa labaad ee Muqdisho ugu weyn ee Suuq Bacaad oo ku yaalla degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid, Muxyadiin Xasan Jurrus oo goobta tagay ayaa saxaafadda u sheegay in qaraxaas ay ku dhaawacmeen saddex qof oo rayid ah, isla markaana aysan jirin wax khasaare dhimasho ah oo uu geystay.

"Qaraxu wuxuu ahaa mid ka dhashay gaari la dhisay jidka dhiniciisa, waxaana inoo suurogashay inaan gacanta ku dhigno ninkii gaarigaas watay," ayuu yiri Muxyadiin Jurrus oo sheegay in weerarkan uu noqday mid fashilmay.

Dadkii ku sugnaa Suuq Bacaad xilligii uu qaraxu dhacayay oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in qaraxu uu ahaa mid xooggan, balse aysan garan karin khasaaraha ka dhashay, waxayna sheegeen in suuqa oo dhan la xiray.

Ciidammo ka tirsan kuwa dowladda KMG ah ayaa isku gadaamay goobta uu qaraxu ka dhacay, iyadoo dhaqdhaqaaqii gaadiidka iyo kii dadka hakad la geliyay, iyadoo ciidamadu ay wadaan baaritaanno.

Qaraxan ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay ee ka dhaca Muqdisho tan iyo markii ay ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM gaareen degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose.

Ma jirto cid sheegatay inay mas'uul ka tahay weerarkii maanta ka dhacay suuqa labaad ee Muqdisho ugu weyn, iyadoo goobtii uu qaraxu ka dhacay uu qiiq fara badan qariyay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya