4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 17, 2012
Faahfaahin ku saabsan Weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee Shalay ka dhacay Degmada Afgooye oo geystay Dhimasho iyo Dhaawac

Axad, June 17, 2012 (HOL) — Weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee shalay oo Sabti ahayd ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose oo 30-km u jirta Muqdisho ayaa waxaa la sheegayaa inay ku dhinteen saddex qof oo mid ka mid ah uu ahaa ruuxii weerarka fuliyay, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen saddex qof oo shacab ah.

Xarakada Al-shabaab oo sheegatay mas'uuliyadda weerarkan ayaa waxay sheegeen inay bartimaameedsanayeen saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda KMG ah, kaasoo ahaa dugsiga sare ee degmadaas.

"Ismiidaaminta waxaa loo adeegsaday gaari waxyaabaha qaraxa laga soo buuxiyay, waxaa illinka hore ee xarunta ku joojiyay ciidamadii saldhiggaas ku sugnaa, markaas ayuuna gaarigu qarxay, waxaana ku dhintay laba askari oo ciidamada dowladda ka tirsan, waxaana ku dhaawacmay saddex qof oo shacab ah," ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda KMG ah oo ku sugan degmada Afgooye.

Sarkaalku wuxuu hadalkiisa ku daray in weerarka la fashiliyay oo uusan geysan dhibaatadii la damacsanaa in lagu geysto. Balse shacabka ku nool degmada Afgooye ayaa sheegay in iskuulka uu ka kacay qiiq fara badan iyo olol weyn.

Saraakiil ka tirsan kuwa dowladda oo magacyadooda qariyay ayaa sheegay inaysan jirin wax khasaare ah oo qaraxaas kasoo gaaray ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan degmada Afgooye.

Dhanka kale, afhayeenka howlgallada ee Al-shabaab, Sheekh C/casiis Abuu-Muscab ayaa sheegay in weerarkaas ay ku dileen tiro ka mid ah ciidamada AMISOM, ayna ku guuleysteen inay ku qarxiyaan meeshii bartilmaameedka u ahayd.

"Weerarka waxaan ku dilnay tiro ka mid ah ciidamada dowladda Soomaaliya," ayuu yiri Sheekh Abuu-Muscab oo hadalkiisa ku daray: "Weerarka waxaa fuliyay mid ka mid ah walaalaheen, kaasoo gaarigii uu waday ku qarxiyay dugsiga sare ee Afgooye oo saldhig u ahayd ciidamada dowladda."

Degmada Afgooye oo ay bishii May ee sannadkan qabsadeen ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM ayaa wuxuu noqonayaa weerarkan kii ugu horreeyay oo ka dhaca waxaana lagu soo beegay xilli uu madaxweynaha Soomaaliya booqanayay maalmihii ugu dambeeyay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya