4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 16, 2012
Hay'adda WHO oo dib u furtay Xaruntii Caafimaad ee Degmada Xudur kaddib markii laga saaray Al-shabaab (SAWIRRO)


Sabti, June 16, 2012 (HOL) — Hay'adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa dib u furtay xaruntii caafimaadka degmada Xudur ee gobolka Bay, kaddib markii laga saaray xoogaggii Al-shabaab ee ka talinayay muddo afarta sano ku dhow.

Degmada Xudur oo ah xarunta gobolka Bakool ayaan lahayn xarun caafimaad oo dadka lagu daweeyo, iyadoo la sheegay in cudurradu ay ahaayeen kuwo si xowli ah u fidayay, sidoo kalena degmadaas aysan gaari jirin agabka caafimaad.

Shan goobood oo bukaan eegtooyin ah oo ka furnaa degmada ayaa u xirmay dawo la'aan soo food-saartay muddadii ay Al-shabaab ka talinaysay, waxaana goobahaas ka mid ah kuwo lagu umuliyo hooyooyinka uurka leh.

Toddobaadkan ayay wax walba isbedeleen waxaana dib loo furay xarun cusub oo caafimaad oo leh saallo qalliin iyo farmashiye ay dawooyin fara badan yaallaan, iyadoo howsha xaruntan caafimaad ay tahay mid lacag la'aan ah, waxaana bukaanka la siinayaa dawo, waxaana furintaanka xaruntan uu imaanaa iyadoo laga joogo laba bilood oo keliya markii degmadaas laga saaray Al-shabaab.

Hay'adda WHO ayaa waxay ka mid ahayd hay'adihii ay Al-shabaab ka joojisay inay ka howlgalaan goobaha ay ka taliso, waxaase xayiraaddaas ay burburtay markii ay ciidammo gaaraya 2,000 oo askari oo isugu jira ciidamada Itoobiya iyo kuwa DKMG ah ay weerareen degmadaas kana saareen Al-shabaab.

Xoogagga Al-shabaab ayaa waxay hadda ku sugan yihiin meel 12-mayl ka durugsan degmada Xudur, waxaana degmada ku nool dad lagu qiyaasay 400,000, kuwaasoo ay doonayso WHO inay u sameyso baaritaanno caafimaad iyo daweyn lacag la'aan ah.

"Waxaan billownay daweynta dadka meel walba oo ay joogaan," ayuu yiri Dr Cumar Saalax oo dib ugu maalgeliyay xaruntan caafimaad lacag gaaraysa 70,000 oo doollarka Mareykanka ah.

Maalin walba 9:00 aroornimo waxaa buuxiya xarunta caafimaad dad fara badan oo doonaya in baaritaanno iyo daweyn loo sameeyo. Iyadoo dadka qaarkood ay xilli hore ee habeenkii ah yimaadaan halkaas.

"Anigu lama kulmin dhaqtar muddo 10-sano ah," ayay tiri Caasho Xasan oo 39-jir ah kana mid ahayd dadkii xaruntaas caafimaad u yimid baarista, waxaana hayay qufac ama hargab.

Sidoo kale, dadkii goobtaas ku sugnaa waxaa ka mid ahayd, Aamino Maxamuud oo 76-jir ah, iyadoo sheegtay inaysan wax dhakhtar ah la kulmin tan iyo markii ay ku dhacday xabbad wiifto ah, waxayna sheegtay in xabbadu ay muddadaas dheer ku haysay xanuun daran.

"Dalka oo dhan waa la burburiyay, waxaana ka taliya kooxo hubeysan oo kala duwan sida Al-shabaab, sidaa daraadeed waan weynay wax na caawiya, kama jiro dhakhtar illaa hadda," ayay tiri Aamina.

Xarunta caafimaad ayaa waxay maalintii ugu horreysay daweysay 100 bukaan oo toddoba ka mid ah lagu sameeyay qalliin, kuwaasoo uu ku jiray wiil yar oo ka dhacay gaari-dameer iyo oday oo dhabarka ka xanuunsanaa.

Ugu dambeyn, Dr. Cumar Saalax ayaa sheegay in furitaanka xaruntan ay fursad u tahay dadka ku nool degmada Xudur oo markii hore loo qaadi jiray xanuunkooda Muqdisho, wuxuuna sheegay in hay'adaha ay tusayaan in laga shaqeyn karo meel ka baxsan Muqdisho.









Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya