4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 16, 2012
Dagaal Ciidamada DKMG ah, kuwa Itoobiya iyo Xoogagga Al-shabaab ku dhex-maray Degmada Qansax-dheere

Sabti, June 16, 2012 (HOL) — Inta la ogyahay lix qof oo u badan dhinacyadii uu u dhexeeyay dagaal maanta ka dhacay degmada Qansax-dheere ayaa ku dhintay tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen.

Dagaalkan ayaa wuxuu qarxay markii xoogaga Al-shabaab ay weerar lama filaan ah ku qaadeen saldhigyo ay ciidamada DKMG ah iyo kuwa Itoobiya kaga sugnaayeen degmadaas, waxaana dagaalku uu socday muddo kooban.

"Weerarka waxaa soo qaaday Al-shabaab, dhinaca dowladda hal askari ayaa uga dhintay, laba qof oo gabi ay ku jirtana way nooga dhaawacmeen," ayuu yiri xildhibaan Cali Aadan Afgooye oo ka mid ah xildhibaannada dowladda ee ku sugan gobolka Bay.

Mudanahan ayaa sheegay in xoogaggii Al-shabaab ee weerarka soo qaaday la eryay laguna daba-jiro, isagoo aan sheegin khasaaraha Al-shabaab ay u geysteen, balse wararka madaxa bannaan ee la helayo ayaa sheegaya in labada dhinac ay khasaare kasoo gaartay dagaalka.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Qansax-dheere ayaa sheegay in dagaalku uu ka dhacay gudaha degmada, inkastoo uu markii dambe dibadda uga baxay, waxayna dadku sheegeen in cabsi weyn uu dagaalkan ku beeray.

Saraakiil u hadlay Al-shabaab ayaa iyaguna dhankooda sheegay inay dagaalkaas ku dileen askari Itoobiyaan ah ayna laba kale ku dhaawaceen, sidoo kalena ay ku furteen qori nooca fudud ah, inkastoo Itoobiya aysan ka hadlin dagaalka.

Degmada Qansax-dheer ayaa waxay ka mid tahay degmooyinkii gobolka Bay ee Al-shabaab laga qabsaday horraantii sannadkan, iyadoo dagaalka ka dhaca maanta lagu sheegay inuu ahaa kii ugu cuslaa ee degmadaas ka dhaca.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya