4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 16, 2012
Dooni u rarnayd Ganacsato Soomaaliyeed oo ku degtay Dekedda Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose

Sabti, June 16, 2012 (HOL) — Doon siday shixnado ganacsi oo u rarnayd ganacsato Soomaali ah ayaa ku dagtay meel u dhow dekedda Magaalada Kismaayo, kadib markii ay ku dhacday Jamal ku yaalla Badda Dhexdeeda.

Mid kamid ah howlwadeenada Dekedda Kismaayo oo ka gaabsaday magaciisa ayaa HOL u sheegay in doonida degtay ay siday Bagaash, wuxuuna xusay in ay ku dagtay meel u dhow Marsada caalamiga ah ee Kismaayo.

"Doontu waxay u rarnayd Ganacsato reer Kismaayo ah, waxayna ku dhacday dhagax badda dhexdeeda ku yaal, wayna burburtay, shaqaalihii saarnaa waxa lagu soo badbaadiyay doomo yar yar," ayuu hadalkiisii ku daray.

Doonidan dagtay oo lagu magacaabaa Al-maahir, ayaa kasoo rakaabsatay magaalada Dubai ee dalka isu tagga imaaraadka Carabta, waxaana ay siday Alaabo Bagaasha ah oo ay lahaayeen ganacsato reer Kismaayo ah, waxaana lagu soo waramayaa in doonidu ay gabi ahaanba quustay.

Illaa iminka ma jiraan masuuliyiin katirsan maamulka Al-shabaab ee degmada Kismaayo oo ka hadlay doonta ku dagtay nawaaxiga dekedda Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.

Waxa imika soconayo dadaallo ay wadaan maamulka Al-shabaab ee Dekedda Kismaayo iyo ganacsatadii ay doonida u rarnayd, kuwaasoo lagu doonayo in lagu badbaadiyo alaabihii saarnaa doonida ku dagtay nawaaxiga dekedda Kismaayo.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya