4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 16, 2012
Dagaallo saacado badan qaatay oo ka dhacay deegaanno ka tirsan Gobolka Gedo iyo guulo laga kala sheegtay

Sabti, June 16, 2012 (HOL) — Ugu yaraan 12-qof oo dhinacyadii dagaalamay ka tirsan ayaa ku dhintay dagaallo culus oo shalay illaa xalay ka socda deegaanno ka tirsan gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

Dagaalladan oo u dhexeeyay ciidamada DKMG ah iyo kuwa Ahlusunna oo dhinac ah iyo Al-shabaab ayaa waxay dhinacyadu guulo ka sheegteen dagaallada, iyadoo xubno u hadlay dowladda ay sheegeen inay iyagu gacanta ku hayaan deegaannadii ay ka dhaceen dagaallada.

"Dagaalladan waxay ka dhaceen saddex goobood oo kala ah: Miidaale, balanbaal iyo deegaan kale oo u dhexeeya Faafax-dhuun iyo Baardheere," ayuu yiri Col. Warfaa Sheekh Aadan oo ka mid ah saraakiisha DKMG ah ee ku sugan gobolka Gedo oo u warramayay VOA-da.

Afhayeenku wuxuu hadalkiisa ku daray in weerarrada ay iyagu qaadeen ayna ku bar-tilmaameedsanayeen saldhigyo ay Al-shabaab doonaysay inay deegaannadaas ka sameysto, isagoo xusay inay ka eryeen ayna iyaga ku sugan yihiin.

Sarkaal kale oo u hadlay ciidamada dowladda KMG ah ee ku sugan gobolka Gedo ayaa sheegay in dagaalkaas ay kaga dhaawacmeen saddex askari, sidoo kalena ay kaga dileen Al-shabaab illaa 11-dagaalyahan, balse wararka laga helayo goobaha lagu dagaalamay ayaa sheegaya in dagaalladaas ay ku dhinteen 12-qof oo labada dhinac tirsanaa.

Dhanka kale, afhayeenka howlgallada ee Al-shabaab, Sheekh C/casiis Abuu-Muscab oo isaguna la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay inay dagaalkaas ku dileen askar badan oo ciidamada dowladda ka tirsan, inkastoo uusan sheegin khasaaraha kasoo gaaray dhinacooda.

Ugu dambeyn, saraakiisha dowladdu waxay sheegeen inay qorsheynayaan weerarro ay ku qaadaan degmooyinka Baardheere iyo Buur-dhuubo oo ka tirsan gobolka Gedo ayna maamusho Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya