4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 15, 2012
Xarakada Al-shabaab oo sheegtay inay dagaallo ka dhacay Gobolka Gedo ku dileen Ciidamo u dhashay dalka Sierra Leone
Jimco, June 15, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay in dagaal ka dhacay gobolka Gedo ay ku dishay askar u dhalatay dalka Siiraaliyoon, kuwaasoo ay sheegeen in ay ka barbar dagaalamayeen ciidamada dowladda KMG ee ku sugan degmada Yurkud ee gobolka Gedo.

Afhayeenka dhanka howlgallada ee Al-shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab oo ka hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dagaalyahannooda ay ciidamo katirsan kuwa Siiraaliyoon ku dileen dagaal ka dhacay nawaaxiga degmada Yurkud ee gobolka Gedo.

Sheekh Abuu-Muscab ma uusan sheegin tirada askarta u dhalatay dalka Siiraaliyoon ee ay ku dileen dagaalkii shalay, haseyeeshee waxa uu sheegay in ciidamadaasi ay ku dileen dagaal shalay duleedka Yurkud kula galeen ciidamada dowladda KMG.

"Waxaan heynaa cadeyn aan ku cadeyneyno in Ciidamada aan dilnay ay u dhasheen dalka Siiraliyoon, aqonsiyadooda ayaan heynaa, waana soo bandhigi doonaa,"ayuu yiri Abuu Muscab.

Sheegashahada xarakada Al-shabaab ee ah in ay dileen askar u dhalatay dalka Siiraaliyoon ka sokow ilaa imika ma jiraan ilo madax banaan oo cadeynaya warkaasi, mana jiraan masuuliyiin katirsan dowladda Soomaaliya oo faahfaahin ka bixisay arrintaasi.

Dowladda Siiraaliyoon ayaa hore u ballan qaaday in ay dalka Soomaaliya u soo diri doonto ciidamo kamid noqda kuwa Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, iyadoona dhawaan ay gobolka Gedo soo gaareen saraakiil katirsan kuwa Siiraaliyoon, kuwaasoo dib u laabtay kadib kulamo ay la qaateen masuuliyiinta dowladda KMG iyo kuwa Kenya ee ku sugan gobolka Gedo, waxaanse ilaa imika la cadeyn karin in gobolka Gedo ay ku suganyihiin askar ka socota dalka Siiraaliyoon.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]   
Kismaayo, Soomaaliya