Kooxo bastoolado ku hubeysan oo xalay wiil dhallinyaro ah ku toogtay Xaafadda Laba-dhagax ee Degmada Wardhiigley
Jimco, June 15, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay ku toogtay xaafadda
Laba-dhagax ee degmada Wardhiigley wiil dhallinyaro ah oo magaciisa lagu soo
gaabiyay, Cabdi Yare iyadoo aan la ogeyn sababta loo dilay wiilkaas.
Goobjoogayaal ku sugan xaafadda Laba-dhagax ayaa sheegay in wiilka la dilay
uu ka mid ahaa dhallinyarada xaafadda ayna toogteen laba wiil oo bastoolado ku
hubeysan, kuwaasoo dilka kaddib baxsaday.
"Wiilka la dilay waxaa la dhihi jiray Cabdi Yare, wuxuuna kasoo baxay
maqaayad isagoo ku socday gurigiisa," ayuu yiri mid ka mid ah dhallinyarada
xaafaddaas ku nool, isagoo intaas ku daray in ciidammo dowladda ka tirsan ay
goobtaas soo gaareen.
Ma jirto cid sheegatay inay mas'uul ka tahay dilka wiilkaas, waxaana
dhawaanahan ka dhacayay Muqdisho dilal qorsheysan oo loo geysanayo dadka rayidka
ah, iyadoo aysan jirin cid sheegata inay mas'uul ka tahay.
Dhanka kale, shalay gallinkii dambe ayaa lagu dilay gudaha suuqa Bakaaraha
ruux rayid ah oo lagu magacaabi jiray Bootaan, kasoo aan la ogeyn sababta loo
dilay iyo cidda dishay.
Dilalkan ayaa waxay imaanayaan xilli ay ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM oo
isgarabsanaya ay la wareegeen toddobaadyo ka hor degmada Afgooye ee gobolka
Shabeellada hoose, halkaasoo xarun u ahayd Al-shabaab.
Maxamed Xaaji
Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho,
Soomaaliya