4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 14, 2012
Qarax khasaare nafeed geystay oo xalay ka dhacay Muqdisho iyo Booliiska Dowladda KMG ah oo ka hadlay

Khamiis, June 14, 2012 (HOL) — Laba qof ayaa ku dhintay qarax xalay ka dhacay degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir, iyadoo saraakiisha booliiska Soomaaliya ay sheegeen saakay in labada qof ee qaraxaas ku dhintay ay ka mid ahaayeen xoogagga Al-shabaab.

Afhayeenka booliiska Soomaaliya, Jen. C/llaahi Xasan Bariise ayaa sheegay in labada qof ee qaraxaas ku dhintay ay dhawaan kasoo guureen deegaanka Lafoole oo ka mid ah deegaannada ku yaalla inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye.

"Labada qof ee ku dhintay qaraxa la sameynayay oo ahaa nin iyo xaaskiisa laguna kala magacaabi jiray: Cabdi-kaafi iyo Shukri C/qaadir, waxayna labadan qof markii hore isku ekeysiiyeen inay ahaayeen laba qof oo shacab ah, balse ay ka mid ahaayeen Al-shabaab," ayuu yiri Jen. Bariise.

Sidoo kale, afhayeenka ciidanka booliiska ahna madaxa waaxda dambi-baarista booliiska Soomaaliya ee CID, ayaa sheegay in guriga uu qaraxu ka dhacay ay ka heleen waxyaabo kale oo qarxa, iyadoo aanay jirin wax khasaare ah oo soo gaaray dadkii gurigaas wax ka degenaa.

Goobjoogayaal ku sugan xaafadda qaraxu ka dhacay ayaa sheegay in qaraxu ahaa mid aad u xoog badan, waxaana falkan uu noqonayaa kii ugu horreeyay oo degmadaas ka dhaca tan iyo markii ay xoogagga Al-shabaab isaga baxeen sannadkii hore.

Ugu dambeyn, saraakiisha booliiska Soomaaliya waxay sheegeen inay baaris intaan ka badan sameynayaan si ay u ogaadaan halka laga soo abaabulay howshan iyo goobta lala damacsanaa in lagu weeraro.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya