4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 14, 2012
Dagaalyahanno Soomaali ah oo lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo ka dhacay Gobolka Shabwa ee Koonfurta dalka Yemen

Khamiis, June 14, 2012 (HOL) — Dagaalyahanno Soomaali ah oo la sheegay inay ka barbar dagaalamayeen ururka Ansaarul-sunna ee dalka Yemen oo taabacsan ururka Al-Qaacida ayaa lagu dilay duqeymo diyaaradeed oo ka dhacay Koonfurta dalka Yemen.

Duqeyntan oo dhacday shalay oo Arbaco ahayd ayay dowladda Yemen inay iyadu fulisay laguna dilay 30-qof, iyadoo wararka laga helayo deegaankaas ay intaas ku darayaan in lix qof oo ka mid ah dadkaas lagu dilay duqeynta ay ahaayeen Somali.

Goobjoogayaal ku sugan deegaanka Cazaama ee gobolka Shabwa oo ahayd halkii ay duqeyntu ka dhacday ayaa waxay sheegeen in lixda qof ee Soomaalida oo dhintay ay ahaayeen kuwo hubeysan.

Sidoo kale, goobjoogayaashu waxay sheegeen inaysan duqeyntaas wax khasaare ah kasoo gaarin Soomaalida ka shaqeysta deegaankaas, balse waxay wararku sheegayaan inay lasoo daristay cabsi weyn oo ku saabsan in dadka deegaankaas ku nool ay dhibaatooyin u geystaan.

Dowladda Yemen weli ma xaqiijin in duqeyntaas ay ku dileen dagaalyahanno Soomaali ah, waxaase ay dowladdu horay u sheegtay inay dagaalyahanno Soomaali ah horay ugu dileen dagaallo ka dhacay magaalooyinka Jacaar iyo Zinjibaar oo ka tirsan gobolka Abyan ee dalka Yemen.

Dalka Yemen oo xuduud-badeed la wadaaga Soomaaliya ayaa waxaa horay loo sheegay inay gaareen dagaalyahanno Soomaali ah oo ka tirsan Al-shabaab si ay uga barbar dagaalamaan xoogagga Islaamiyiinta ah ee ka horjeeda dowladda.

Hoggaamiye ka tirsan Al-shabaab, Sheekh Mukhtaar Rooboow Abuu-Mansuur ayaa horay uga sheegay Soomaaliya inay xoogaga ka tirsan Al-shabaab u dirayaan dalka Yemen si ay u caawiyaan xoogagga Ansaarul-sunna ee dalka Yemen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya