4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 13, 2012
Maamulka Ahlusunna Waljamaaca oo sheeagy inay deegaannada Gobolka Galguduud uga soo baxeen xeelado dagaal ayna ku laabayaan

Arbaco, June 13, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha golaha fulinta ee Ururka Ahlusunna Waljamaaca, Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefow ayaa sheegay kasoo bixitaankoodii degmada Ceelbuur iyo deegaanka Wabxo ee gobolka Galguudud ay ahayd mar ay bixiyeen saraakiisha ciidamadaas hoggaaminayay.

Sheekh Xeefow wuxuu sheegay in la bedelayo qaabkii howsha loo waday, waxaana rajeynaynaa in dhawaan lagu laabto deegaannadaas, maadaama ay Al-shabaab ka waddo deegaannadaas dhibaatooyinka.

"Qaab milateri ayaan uga baxnay deegaannadaas, mana jiro amar dowladda naga soo gaaray oo ku saabsan inaan ka baxno, waxaan maqlay madaxweynaha oo leh waan xunnahay ka bixitaanka deegaannadaas mana filayo inay wararkaas ay yihiin kuwo is-qaban kara," ayuu yiri Sheekh Xeefow oo BBC-da la hadlayay isagoo ku sugan gobolka Galguduud.

Wasiir u dowlaha wasaarrada arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka ayaa xalay u sheegay inay iyagu bixiyeen amarka looga soo baxay deegaannadaas si ay uga howlgalaan ciidamada AMISOM ee ka socda Midowga afrika.

Sidoo kale, guddoomiyaha golaha fulinta ee Ahlusunna wuxuu sheegay inay abaabul wadaan sidii ay dib ugu laaban lahaayeen deegaannadaas, isagoo sheegay inaysan jirin sabab kale oo ay uga soo baxeen deegaannada gobolka Galguduud ku yaalla.

Degmada Ceelbuur iyo deegaanka Wabxo oo ay xoogagga Ahlusunna iyo kuwa Itoobiya kala wareegeen bishii Abriil Xarakada Al-shabaab ayaa dib uga soo baxay Axaddii iyo Tallaadadii lasoo dhaafay, waxaana deegaannadaas dib ula wareegtay Al-shabaab.

Dhanka kale, guddoomiyaha golaha fulinta ee Ahlusunna, Sheekh Xeefoow oo wax laga weydiiyay halka uu marayo qorshaha lagu sameynayo maamul ay yeeshaan goobollada bartamaha Soomaaliya ku yaalla ayaa sheegay in qorshahaas uu weli ku jiro la-tashi uuna meel wanaagsan marayo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya