4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 13, 2012
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Saraakiisha Ciidamada DKMG ah oo Maanta booqasho ku tagay Deegaanka Mareerey

Arbaco, June 13, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed oo ay wehliyaan saraakiisha ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM ayaa maanta ku tagay booqasho deegaanka Mareereey oo 15-km u jira degmada Afgooye e gobolka Shabeellada hoose.

Shariif Sheekh oo saxaafadda kula hadlay deegaanka Mareerey ayaa sheegay inay tani qayb ka tahay booqashooyinka uu ku tagayo goobihii ay ciidamada DKMG ah kala wareegeen xoogagga Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa uga digay ciidamada dowladda inay shacabka dhibaateeyaan isagoo sheegay in askarigii dhibaateeya shacabka lala tiirsan doono sharciga, sidoo kalena wuxuu dadka deegaanka ugu baaqay inay ciidamada dowladda ka caawiyaan sidii ay ammaanka u sugi lahaayeen.

Sidoo kale, Shariif Sheekh wuxuu ciidamada dowladda ku boorriyay inay samir sameeyaan, ayna dhexda u xirtaan sidii ay ku tirtiri lahaayeen Al-shabaab, wuxuuna intii ay booqashadu socotay dallacsiiyay haweeney ka mid ah ciidamada milateriga, taasoo ay saraakiishu sheegeen inay howlo wanaagsan qabatay.

Taliyaha gaaska koowaad ee ciidamada xoogga dalka, Jen. Cabdullaahi Cali Caanood oo isagana saxaafadda kula hadlay deegaanka Mareerey ayaa sheegay in howlgallada lagula dagaalamayo Al-shabaab ay sii wadayaan tan iyo inta ay dalka oo dhan ka saarayaan

"Howgalkii aan ku qabsannay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose waxaa nooga dhintay 11-askari, waxaana nooga dhaawacmay 18 kale," ayuu yiri Jen. Caanood oo sheegay inay ka go'an tahay inay deegaanno kale gaaraan.

Dadweyne badan ayaa isugu soo baxay deegaanka Mareereey intii ay booqashada madaxweynaha iyo saraakiisha ciidanku socotay, waxaana madaxweynaha iyo xubnihii la socday ay dib ugu soo laabteen beerta Sheekh Zaayid ee degmada Afgooye oo ah halka uu deggen yahay madaxweynaha Soomaaliya.

Ugu dambeyn, taliyaha ciidamada AMISOM ee ku sugan degmada Afgooye ayaa u sheegay wariyeeyaasha in ciidamadooda iyo shacabka deegaanka Mareereey ay aad isku fahmeen ayna iyagu taas ku faraxsan yihiin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya