4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 12, 2012
Arday Soomaliyeed oo ka qalinjabisey Jaamacada Washington ee Seattle dalka Mareykanka .

Talaado, Juun 12, 2012 (HOL) - Xaflad qalinjabin oo si caalami ah loo soo agaasimey ayaa ka dhacdey Satadiumka weyn ee “Century link Field”oo ku yaala  magaalada Seattle. Hadaba munaasabadan  oo aheyd mid aad iyo aad u balaaran ayaa waxaa lagu gudoonsiinayay shahoodooyin ardayda ka qalinjabisey jaamacada Washington, ayadoo eey kasoo qeyb galeen dhamaan Masuuliyiinta Jaamacada University of Washington, Macalimiinta, Ardayda qalinjabineysey, Waalidiintooda iyo martisharaf kale kuwaasoo buux dhaafiyeen dhamaan kuraasta Stadiumka weyn ee Century Link Field oo ku yaala bartamaha magaalada Seattle ee Gobolka Washington carigaan Mareykanka. Jaamacadaan ooy dhigtaan arday Soomaliyeed oo ku dhow boqolaal ayaa maanta waxaa ka qalinjabiyey arday gaareyso ilaa labaatan arday kuwaasoo bartey cilmiyo kala duwan.

Ardaydaan ayaa waxeey ruxayeen calankeena Soomaliyeed ee quruxda badan kaasoo ka dhex babanayey bartamaha boqolaal arday kale ee ayagu ka qalinjabinayay Jaamacadaan, ayadoo markeey kor u luxaan calanka sawaxanka iyo sacabka ka baxayey waalidiinta iyo asxaabtaba laga wada dareemayey daafaha garoonka weyn ee Centurylink.

 Hadaba ardaydaan iyo waalidiintii dhashay oo kusoo dhabar adeeygey waqti badan sidii eey guul uga gaari lahaayeen waxbarashadooda ayaa waxaa wajiyoodada ka muuqatey farxad aan lasoo koobi Karin,  asxaabtii iyo qaraabadii kala qeyb qaadatey munaasabadaana waxeey ayagu kula dardaarmeen ardayda ineey sii wataan waxbarashadooda intii awooda, inta kalena Ilaaheey uga baryey inuu u fududeeyo sideey hamigooda ku gaari lahaayeen.



Waxaa la dhihi karaa horumarka eey sameeyeen waalidiinta caruurtaan Soomaliyeed ee maanta ka qalinjabisey Jaamacadaan ineey yadiidilo galineeyso dhamaan bulsha weynta Soomaliyeed ee dagan Seattle iyo agagaarkeeda kuwaasoo la dhihi karo waxeey qeyb weyn ka qaadan doontaa sidii eey ilaa heer Jaamacadeed caruurtooda ugu dadaali lahaayeen