4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 12, 2012
Wasiirka Cadaaladda, Gudidda Cadaaladda, Ururka Qareennadda Somaliland oo cambaareeyey dhaawacii loo geystay gudoomiyihii Maxkamadda Hargeysa

Talaado, June 12, 2012 (HOL) — Wasiirka wasaaradda Cadaaladda, Gudidda Cadaaladda, ururka Qareenadda iyo madax dhaqameed, ayaa cambaareeyey dhaawacii loo geystay gudoomiyihii maxkamadda gobolka Hargeysa Cabdirashiid Maxamed Duraan oo shalay dablay hubaysani ku weerareen mar uu ka soo baxay salaadii subax masaajid u dhow gurigiisa oo ku yaala Xaafadda News Hargeysa ee Bariga Magaaladda Hargeysa.

Wasiirka wasaaradda Cadaaladda Somaliland, Mr:Xuseen Axmed Caydiid, ayaa sheegay in falkii lagu beegsaday guddoomiyihii maxkamadda gobolka Hargeysa uu ahaa mid bahalnimo ah, isla markaana uu aad uga xun yahay, isagoo dhinaca kalana sheegay in aan garsoorka waxba laga sheegin, isla markaana xildhibaano xukunkii dhowaan ka soo baxay maxkamadda gobolka Hargeysa dhaliilay ku tilmaamay kuwa wax u dhimaya kalsooniddii lagu qabay cadaaladda, sidaa darteed digniin usoo jeediyey masuuliyiintii dhaliilay cadaaladda Somaliland inay ka waantoobaan.

"waxaan leeyahay falkaasi waa dhagar cida gashay , cidda ku abaabushay iyo cidda kaga raali noqotaaba waa dhagar ay Qarankan ka gashay"ayuu yidhi wasiirka Cadaaladda Xuseen Axmed Caydiid, waxaanu intaas ku daray "shirarka jaraa’id ee la qabanayo ee lagu cambaaraynayo garsoorka, waxyeelo ayuu ku yahay badbaaddada iyo nabadgalyadda iyo horumarka dalkan wax alla wixii dhiirigalinaya in aan garsoorkaasi la aaminin, ceeb ha lahaado ama yaanu lahaane ee dibadda u saarayaa xaaraan bay tahay "ayuu yidhi isagoo u digay xildhibaano cambaareeyey xukun ka soo baxay Maxkamadda gobolka Hargeysa oo xukuno kala duwan ku riday masuuliyiin lagu eedeeyey lunsi Raashin mucaawimo ah.

Sidoo kale, waxa iyana falkan lagu dhaawacay Gudoomiyaha Maxkamadda gobolka Hargeysa cambaareeyey guddoomiyaha maxkamadda sare, ahna guddoomiyaha guddidda Cadaaladda Somaliland Garyaqaan:Yuusuf Ismaaciil Cali, waxaanu sheegay in aanay wax cabsi ah ku beereen waaxda garsoorka falkan lagula kacay gudoomiyaha maxkamadda Gobolka Hargeysa, waxaanu weerarkaasi ku tilmaamay mid lagu qaaday garsoorka Somaliland.

Guddoomiyaha Ururka Qareenada Somaliland (SOLLA), Garyaqaan Jaamac Cilmi Xaashi iyo qaar ka mid ah madax dhaqameedka Somaliland ayaa iyaguna cambaareeyey falkan lagu beegsaday garsooraha oo ay ku tilmaamay mid aad u fool-xun, isla markaana cidii falkaasi ka dambaysay sharciga la hor keeno.

Guddoomiyihii maxkamadda gobolka Hargeysa Cabdirashiid Durraan ayaa dhaawaciisa shalayba loo qaaday dalka Jabuuti oo lagu dawaynayo, waxaana wararka aanu ka helayno caafimaadkiisu sheegayaan inuu aad u fiican yahay, isla markaana uu dhaawaciisu fudud yahay.

Si kataba ha ha ahaatee, falkan shalay ka dhacay magaaladda Hargeysa ayaa dadweynaha aad uga yaabiyey, iyadoo ay tahay markii ugu horaysay ee dablay hubaysani ay weerar ku qaado garsoore, waxaanay arrintan ku hawlan ciidanka Amaanka oo baadhaya cidii ka dambaysay falkan, iyadoo ilaa hadda ay u xidhan yihiin laba qof oo la baadhayo kiiskoodda.

Barkhad-Ladiif M. Cumar
[email protected]
Hargeysa, Somaliland