4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 12, 2012
Kooxo hubeysan oo Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ku toogtay Nabaddoon si weyn loo yaqaannay

Talaado, June 12, 2012 (HOL) — Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa xalay ku toogtay xafadda Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne nabadoon caan ka ah magaalada, iyadoo mas’uuliyiinta maamulka gobollka dilka nabadoonka ay ku eedeeyeen Xarrakada Al-shabaab.

Nabaddoonka xalay fiidkii lagu dillay Beledweyne oo dhinaca kale ahaa ganacsade siweyn looga garanayo ayaa lagu magacaabi jiray Cabdi Ibraahim Idiris (Goobe), waxaana ay dad goob-joogayaal ah sheegeen in ay weerareen kooxo dhalinyarro ah, oo markii danbe ka baxsaday goobta ay ku toogteen marxuumka.

Ciidamada maamulka gobollka Hiiraan ayaa markiiba xalay fiidkii gaaray goobta uu dilku ka dhacay, iyagoo halkaa ka sameeyay baaritaanno la xiriira kooxaha dilka geystay, hasse ahaatee lama sheegin cid ay qabteen ciidamada.

Inkastoo guud ahaan marka la eego xaalada magaalada Beledweyne tahay mid degan ayaa haddana dhinaca kale waxaa ay dadku walaac ka muujinayaa dilalka noocan ah oo marar badan iska soo daba-noqday, walow haddana saraakiisha amaanku ku dadaalayaan sidii wax uga qaban lahaayeen nabad-galyada degmada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya