4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 11, 2012
Golaha Wasiirada Soomaaliya oo Madaxda-dhaqanka ka dalbaday inay si dhaqso ah u soo gudbiyaan Liiska Ergada Ansixinta Dastuurka

Isniin, June 11, 2012 (HOL) — Golaha wasiirrada DKMG Soomaaliya ayaa kulan ay ku yeesheen maanta magaalada Muqdisho waxay uga dalbadeen odayaasha daqanka inay sida ugu dhaqsiyaha badan kusoo gudbiyaan liiska ergada ansixinta dastuurka.

Kulankan oo aan caadi ahayn uuna shir guddoominayay ra'iisul wasaaraha Somalia, C/weli Maxamed Cali ayaa wuxuu uga warbixiyay golaha wasiirrada safaro uu ku soo maray dalalka Turkiga, Itoobiya, Jabuuti iyo Kenya, isagoo sheegay in madaxdii uu la kulmay oo dhan ay isla garteen in la taageero dowladda Soomaaliya.

"Dowladda Mareykanka waxay DKMG ah ku amaantay hormarka baaxadda leh ee laga sameeyey amniga iyo dhameystirka Roadmap-ka, waxayna ugu baaqay in lasoo afjaro xilliga KMG ah bisha Ogoosto ee sannadkan 2012. waxayna sheegeen inay diyaar u yihiin inay sii labo-laabaan kaalmada ay siiyaan shacabka Soomaaliyeed," ayuu ra'iisul wasaaruhu ka sheegay kulanka maanta ay golaha wasiirradu yeesheen.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa golaha wasiirrada ku dhiirri-geliyay inay sida ugu dhaqsiyaha badan loo gudo-galo dhameystirka xilliga KMG ah iyo in la dhaqan-geliyo qorshaha heshiiskii Addis Ababa si loo hubiyo in xilliga KMG ah lasoo afjaro ka hor bisha Ogoosto ee sannadkan.

Intaas kaddib golaha wasiirrada waxay isku raaceen in madax-dhaqameedka ay si deg-deg ah u soo gudbiyaan guddigii xalinta khilaafaadka si ay u soo afjaraan khilaafka yar ee beelaha qaarkood ka dhex-jira.

Sidoo kale, golaha wasiirradu waxay isku raaceen in si deg-deg ah loo magacaabo guddi farsamo ee ka kooban 27 xubnood oo Soomaali ah, laba xubnood oo UNPOS ah iyo toddoba xubnood oo ka socda beesha caalamka si ay goobjoogayaal ah. Sidoo kale goluhu wuxuu isku raacay in madax-dhaqameedka looga baahan yahay inay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo gudbiyaan liiska ergada ansaxinta dastuurka oo ka kooban 825 oo ay 30% yihiin dumar yihiin.

Golaha wasiirrada waxay dhageysteen warbixin ku saabsan xaaladda goobihii Al-shabaab laga qabsaday iyo sidii loo hubin lahaa in dadka deegaanadaas ay sameystaan maamul ay soo doorteen, isla markaana ay u sameysan lahaayeen guddi amni iyo sidii ay dib-u-heshiisiin dhab ah u dhex-mari laheyd beelaha deegaannadaas ku nool.

Ugu dambeyn, shirka waxaa laga sheegay in siyaasadda dowladda KMG ah ay tahay in shacabku uu sameysto maamul uu ku kalsoon yahay, si loo hubiyo sidii ay shacabku aaayahooda uga tashan lahaayeen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya