4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 11, 2012
Kooxo hubeysan oo dhac u geystay xarun ay Mid ka mid ah Shirkadaha Xawaaladaha ku leedahay Suuqa Bakaaraha

Isniin, June 11, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa maanta baqadii waxay xoog ku galeen xarunta shirkadda xawaaladda Jubba Express ee suuqa bakaaraha, halkaasoo ay ka qaateen lacago fara badan sida ay warbaahinta u sheegeen qaar ka mid ah shaqaalaha shirkaddaas.

Qaar ka mid ah shaqaalaha shirkadda ayaa sheegay in dableydu ay ku qasbeen inay dhaqdhaqaaqa joojiyaan, markaas kaddibna ay billaabeen inay jabiyaan qasnadaha ay lacaguhu ku jireen.

"Dableydu waxay qaateen lacag ku dhow 40,000 oo dollar," ayuu yiri mid ka mid ah shaqaalaha shirkadda, waxayna mas'uuliyiinta shirkadda sheegeen inaysan jirin cid ay ku eedeyn karaan inay dhacaas ka dambeysay.

Maamulkam degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir iyo saraakiisha hay'adaha ammaanka ayaa sheegay inay socdaan baaritaanno ku aaddan qaabka loo dhacay iyo cidda dhacday shirkadda.

"Kooxaha dhaca geystay waxay wateen gaari yar, markii ay lacagaha urursadeenna waxay billaabeen inay baxsadaan, shaqaaalaha qaarkoodna jir-dil ayaa loo geystay," ayuu yiri mas'uul shirkadda ka tirsan oo warbaahinta la hadlay.

Suuqa Bakaaraha ayaa waxaa gacanta ku haysa DKMG ah ee Soomaaliya, iyadoo ay noqonayso markii ugu horreysay oo dhac loo geysto xarun shirkadeeda oo ku taalla suuqa Bakaaraha tan iyo markii ay xoogaggii Al-shabaab isaga baxeen suuqa.

Dhowr jeer oo hore ayaa dhac loo geystay xarumaha shirkadaha xawaaladaha ee ku yaalla suuqa Bakaaraha, iyadoo dhacaas intiisa badan uu dhacay sannadihii ay Al-shabaab gacanta ku haysay suuqa Bakaaraha

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya