4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 11, 2012
Maamulka Puntland oo sheegtay inay jiraan kooxo doonaya inay leexiyaan Qorshaha geeddi-socodka Nabadda Soomaaliya

Isniin, June 11, 2012 (HOL) — Maamulka Puntland ayaa warsaxaafadeed ay soo saareen ku sheegay inay jiraan kooxo dano gaar ah leh oo doonaya inay leexiyaan qorshaha geeddi-socodka nabadda ee Soomaaliya.

Wasiirka maaliyada Puntland, Faarax Cali Shire oo saxaafadda u akhriyay qoraalkan ayaa sheegay in Puntland aysan qaadayn mas'uuliyadda haddii uu burbur ku yimaddo habka uu ku socdo geeddi socodka nabadda iyo dhameystirka dastuurka Soomaaliya.

"Puntland mas'uul kama noqoneyso wax kasta oo is-hortaag iyo caqabad ku noqon kara dhamaystirka xiliga kala guurka ah iyo dhamaystirka qoraalka dastuurka Soomaaliya," ayuu yiri wasiirka maaliyadda Puntland.

Maamulka Puntland ayaa sheegay in isbedel lagu sameeyo qoraalka dastuurka ay keeni karto dib u dhac ku yimaada geeddi-socodka nabadda Soomaaliya, iyadoo ku baaqday in dalalka arrimaha Soomaaliya daneeya inay taageeraan howlaha lagu dhameystirayo qorshaha nabadda Soomaaliya.

"Puntland waxay aqoonsan tahay in isbedel lagu sameeyo dastuurka ay leeyihiin guddigii farsamo ee lagu sameeyay Addis Ababa, kaasoo ay madaxda Soomaalidu isku raaceen uuna goobjoog ka yahay mar walba wasiirka dastuurka Soomaaliyha," ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka Puntland.

Wasiirka maaliyadda Puntland ayaa sheegay in Puntland ay diyaar u tahay inay qaybteeda ka qaadato dib u dhiska dowladd Soomaliyeed oo ku dhisan nidaamka federaali ah, isagoona raaciyay in Puntland ay taageersan tahay qorshaha looga baxayo xilliga KMG ah iyo shirarkii saxiixayaashu ku yeesheen Muqdisho, Garoowe, Galkacayo iyo Addis Ababa.

Ugu dambeyn, wasiirku wuxuu sheegay in Puntland ay diyaarisay xubnihii u ansixin lahaa dastuurka dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo weliba xildhibaannadii qaybta ka noqon lahaa baarlamaanka Soomaaliya ee la dhisayo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya