4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 11, 2012
Xarakada Al-shabaab oo soo dhaweysay Geeridii Wasiirkii Amniga Qaranka ee dalka Kenya iyo ku xigeenkiisii

Isniin, June 11, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa warbixin ay ku daabaceen boggooda Twitter waxay ku sheegeen inay soo dhaweynayaan geeridii wasiirkii amniga Qaranka Kenya, George Saitoti, ku xigeenkiisii iyo afar qof oo kale oo ay ku jireen ilaaladooda oo ku dhintay shil diyaaradeed oo shalay ka dhacay duleedka Nairobi.

Wasiirka iyo ku xigeenkiisa ayaa la sheegay inay ku socdeen shir ammaanka looga hadlayo oo lagu waday inuu shalay ka dhaco magaalada Nairobi, iyadoo madaxda Kenya iyo kuwa Soomaalida ay ku tilmaameen geeridaas mid aad looga naxo.

"Al-shabaab waxay soo dhaweynaysaa dhimashada wasiirkii amniga Kenya, kaasoo mas'uul ka ahaa dhibaatooyin kumannaan muslimiin ah ku haysta dalalka Soomaaliya iyo Kenya," ayaa lagu yiri warka ay Al-shabaab ku daabacday Twitter-kooda.

Sidoo kale, Al-shabaab waxay sheegtay in Saitoti uu ahaa dambiile mas'uul ka ah dhibaatooyin fara badan oo loo geystay qoxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha qoxootiga Kenya.

"George Saitoti wuxuu amar ku bixiyay afduubka, jir-dilka iyo xabsiyeynta boqollaal muslimiin ah oo aan waxba galabsan," ayaa lagu yiri warka Al-shabaab, sidoo kale waxay ku sheegeen inuu mas'uul ka ahaa dilka boqolaal muslimiin ah iyo kuwo kale oo lagu qasbay inay Kenya ka cararaan.

Al-shabaab waxay sidoo kale sheegeen in wasiirka amniga Kenya uu dhintay isagoo cadaawad weyn u haya Islaamka, waxayna geeridiisa ku sheegeen inay tahay mid baas-leh uuna dhintay isagoo ku socda jidkii cadaabka.

Ugu dambeyn, waxay sheegeen in dowladda Kenya ay iyada u taallo inay kala doorato in dalkeeda uu ammaan helo iyo inay ku socoto jidkii Saitoti oo ay xuseen inuu dalkaas u horseeday ammaan-darro weyn.

Wasiirkii amaanka Kenya ayaa wuxuu ahaa mas'uul aad ugu adag dagaalka lagula jiro Al-shabaab, isagoo sheegay markii ay ciidamada Kenya u soo tallaabayeen dhinaca Soomaaliya inay la dagaalamayaan mas madaxiisa uu yaallo xaafadda Islii ee Nairobi, dabadiisuna ay taallo Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya