4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 11, 2012
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo sheegay in dhawaan uu billaabanayo Wadahadal dhexmara DKMG ah iyo Somaliland

Isniin, June 11, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali ayaa sheegay in dhawaan ay bilaabanayaan wadahadallo dhexmara Dowladda KMG ah iyo maamulka Somaliland, taasoo qayb ka ahayd qodobbadii kasoo baxay shirkii horraantii sannadkan lagu qabtay magaalada London ee dalka Britain.

Mudane C/weli Gaas ayaa sheegay in si wadahadalka ay sida ugu dhaqsiyaha badan ku billaaban doonaan ayna rajeynayaan inay kasoo baxaan qodobbo ay ku farxaan shacabka Soomaaliyeed.

"Wadahadallo dhexmara DKMG ah iyo Somaliland ayaan rajeynayaan inay dhawaan billlowdaan si ay Soomaaliya dib ugu midowdo, ma sheegi karo hadda goobta lagu qaban doono iyo xilliga la qaban doono, laakiin waxaan caddeyn karaa inay sida ugu dhaqsiya badan ku billaaban doonaan," ayuu yiri ra'iisul wasaaraha Soomaaliya.

Sidoo kale, ra'iisul wasaaruhu oo ka jawaabayay su'aalo ku saabsan howlaha ay qabatay xukuumadda KMG ah muddadii ay jirtay oo ka baxayay telefishinka DKMG ah ayaa wuxuu sheegay inay wax badan ka qabteen ammaanka dalka.

"Markii aan xilka qabanayay dowladda waxay ka talinayay meelo yar oo Muqdisho ka tirsan, waxaana ciidamada ku booqday jidka wadnaha, hadda waxay ka tallaabeen Muqdisho iyagoo gaaray degmada Afgooye, sidoo kale waxay gaareen Afmadow iyo meelo kale oo ay ka mid yihiin: Baydhabo, Xudur, Baladweyne," ayuu yiri C/weli Gaas.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya wuxuu hoosta ka xariiqay inay ka go'an tahay inay ka saaraan Al-shabaab inta aan la gaarin bisha Ogoosto deegaannada iyo gobollada kale ee ay dalka uga sugan yihiin; si looga gudbiyo buu yiri xilliga KMG ah.

Ugu dambeyn, C/weli Gaas wuxuu sheegay in Soomaaliya ay u gudbayso xilli ay ka taliso dowlad dhameystiran, wuxuuna sheegay in isku-dayga ka bixitaanak KMG-ka uu noqon doono kii ugu horreeyay oo lagu guuleysto.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya