4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 10, 2012
Mas’uuliyiin iyo xubno ka kooban qeybaha bulshada oo maanta ka dhoofay Magaalada Beledweyne iyagoo kusii jeeda dalka Jabuuti

Axad, June 10, 2012 (HOL) — Mas’uuliyiinta ka tirsan maamulka gobollka Hiiraan iyo xubno isugu jira qeybaha bulshada oo ay ka mid yihiin odayaal dhaqameed, ayaa maanta ka dhoofay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Xubnaha maanta ka anbabaxay Beledweyne ayaa waxaa horkacayay guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada maamulka gobollka Hiiraan Max'ed Cismaan Garabeey sida uu HOL u xaqiijiyay C/wali Xassan Jimcaale ‘’Cowke’’ oo ka mid ah mas’uuliyiinta warfaafinta u qaabilsan maamulka gobollka Hiiraan

"Waxaa ay ka koobnaayeen xubnaha maanta ka dhoofay Beledweyne mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka, sida guddoomiyayaasha degmooyinka Beledweyne, Maxaas, Matabaan, iyo xubno ka tirsan odayaasha dhaqanka iyo ganacastada waxaana ay ku sii jeedaan dalka Jabuuti,’’ ayuu yiri mas’uulka u hadllay maamulka gobollka Hiiraan.

Xubnaha ayaa la sheegay in ay dalka Jabuuti uga soo qeyb-gali doonaan Siminaar ay qabaneyso hay’adda gargaarka u qaabilsan dowladda Mareykanka ee USAID, oo dhawaan saraakiil ka tirsan booqasho ku gaareen magaalada Beledweyne.

Waxaa lagu wadaa in mas’uuliyiinta hay’adda iyo xubnaha ka kooban qeybaha bulshada ee maanta ka tagay Beledweyne Siminaarka kadib ka wada hadllaan baahiyaha dhabta ah ee waqtigan ka jira gobolka iyo mashaariicda xiligan ay u baahan yihiin bulshada gobollka in fulayo.

Socdaalka wafdiga maanta ka ka dhoofay Beledweyne ayaa ku soo beegmaya xili sidoo kale guddoomiyaha gobollka Hiiraan C/fitaax Xassan Afrax iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobollka Hiiraan ku sugan yihiin magaalada Muqdisho.

Waa markii ugu horeysay xubo ka kooban qeybaha bulshada oo ay ku jiraan odayaal dhaqameed iyo ganacsatado safar noocan oo kale ah uga anbabaxaan dalka Jabuuti oo dhawaan ciidamo ka socda ay ka soo degaan magaalada Beledweyne.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya