4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 10, 2012
Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Ururka Ahlusunna oo isaga baxay degmada Ceelbuur iyo Xoogagga Al-shabaab oo gudaha u galay

Axad, June 10, 2012 (HOL) — Wararka laga helayo degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud ayaa waxay sheegayaan in ciidamadii Itoobiya iyo kuwii Ahlusunna ee ku sugnaa ay saakay isaga baxeen degmadaas, iyadoo ay gudaha u galeen xoogagga Al-shabaab.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Ceelbuur ayaa sheegaya in dagaalyahannada Al-shabaab ay ku sugan yihiin xilligan saldhigga degmada, xarunta mamulka iyo goobo kale, waxaana gudaha degmada la maqlayaa rasaas dhacaysa, taasoo la sheegay in xoogagga Al-shabaab ay ku muujinayaan gelitaanka degmadaas.

"Xaaladdu waa daggan tahay, waxaana degmada ku sugan xoogagga Al-shabaab, dadku waxay muujinayaa cabsi," ayuu yiri goobjooge ku sugan degmada, iyadoo la sheegay in xoogaggii horay ugu sugnaa degmadaas ay kala aadeen degmooyinka Dhuuso-mareeb iyo Guriceel.

Inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn sababta keentay in ciidamada Itoobiya iyo kuwa Ahlusunna ay isaga baxaan degmada Ceelbuur oo ay laba bilood ka hor Al-shabaab ka qabsadeen ayaa haddana wararka hoose ee la helayo waxay sheegayaan inay uga baxeen saad la'aan.

Guddoomiyaha guddiga sare ee Ahlusunna Waljamaaca, Sheekh Ibraahim Xasan Guureeye ayaa xaqiijiyay inay ciidamadooda iyo kuwa Itoobiya isaga baxeen degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud, isagoo sheegay inay uga baxeen xaalad dagaal.

"Ciidamadeena iyo kuwa Itoobiya kuma laabanayaan degmada Ceelbuur," ayuu yiri Sheekh Ibaahim Guureeye oo ku sugan gobolka Galguduud, isagoo aan sheegin sababta keentay inay dib ugu laaban waayaan.

Mas'uuliyiin ka tirsan Al-shabaab ayaa waxay sheegeen in ciidamadii Itoobiya iyo kuwii Ahlusunna ee degmada Ceelbuur ku sugnaa ay jabeen, ayna wadaan qorshe ay dadka degmadaas kula hadlayaan.

Degmada Ceelbuur oo qiyaastii 100-km dhinaca bari kaga aaddan degmada Dhuuso-mareeb ee xarunta gobolka Galguduud ayaa waxaa sannado badan ka talinaysay Al-shabaab, iyadoo tani ay ka dhigayso in laba bilood kaddib ay gacantooda dib ugu laabato gacanta Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya