4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 9 , 2012
Jaamacadda Camuud ee Somaliland oo Sannadkan laga billaabi doono Waxbarashada sare ee Master Degree iyo PHD
Isniin, July 09, 2012 (HOL) — Jaamacadda Camuud ayaa sheegtay inay sanad Jaamacadeedkan bilaabi doonto waxbarashadda sare ee Master Degree iyo PHD, iyadoo soo bandhigtay qorshe cusub oo lagu horumarinayo jaamacadda.

Munaasibad lagu soo bandhigayey qorshaha cusub ee waxbarashadda sare ayaa lagu qabtay xarunta jaamacadaasi, waxaana kulankaasi ka soo qaybgalay wasiirka Waxbarashadda Somaliland Marwo:Samsam Cabdi Aadan, Wasiirka Cadaaladda Xuseen Axmed Caydiid, Wasiirka Caafimaadka Dr: Xuseen Xoog, Wasiirka Beeraha Prof: Faarax Geedoolle iyo maamulka sare ee jaamacadda Camuud ayaa si rasmiya loo shaaciyey inay jaamacaddu bilaabi doonto heererka kala sareeya ee waxbarashadda, kuwaas oo ay ku soo dareen Master Degree iyo PHD oo aan hore dalka uga jirin.

Gudoomiyaha Jaamacadda Camuud Prof: Saleebaan Axmed Guuleed ayaa ka waramay marxaladihii kala duwanaa ee ay jaamacadu soo martay, iyo qorshahan cusub ee tacliinta sare ee qofkii doonayaa dalkiisa hooyo ka helayo, isago sheegay in kharashkii badnaa ee dibadda kaga bix jiray u dhigmayo.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in saddex iyo tobankii sanno ee ay shaqaynaysay ay ku talaabsatay horumar aad u balaadhan, waxaanu xusay in tacliintan sare ee Master-ka iyo  PHD-da ay ku dhiirigaliyeen jaamcado kale iyo xukuumadda Somaliland, waxaanay sheegay in sanadkan gudihiisa ay ku soo  biirinayaan waxbarashadan cusub ee aqoonta sare ah.

Wasiirka waxbarashadda iyo tacliinta sare Samsam Cabdi Aadan ayaa sheegtay  inay taageerayaan waxbarashadan cusub ee jaamacadda lagu soo kordhiyey, iyadoo uga mahadnaqday dadaalka ay ugu jiraan horumarka waxbarashadda Somaliland.

Wasiirka Cadaaladda Somaliland Xuseen Axmed Caydiid ayaa isna ugu hambalyey jaamacadda qorshahan cusub ee ay ku horumarinayso waxbarashadda dalka, isagoo sheegay inuu afartan Arday oo ka mid ah ardayda ka qalinjabinaysa sanadkan kuulyadda sharciga ay wasaaradiisu ka qaadan doonto, isla markaana ay ka hawlgali doonaan garsoorka dalka iyo cadaaladda.

Wasiirka Caafimaadka iyo Beeraha, Dr: Xuseen Xoog iyo Prof: Faarax Cilmi Geedoolle ayaa iyaguna xusay inay taageero weyn ka gaysan doonaan jaamacadda, gacan weyna ka siin doonaan caafimaadka iyo beeraha.

Sidoo kale, waxa isna dardaaran halkaasi ka soo jeediyey sheekhubaladka magaaladda Boorame Sheekh Cabdilaahi Cali Jawhar, waxaanu ku dhiirigaliyey in dhalinyarada jaamacadda ka soo qalinjabiya lagu qiimeeyo aqoontoodda iyo shahaadooyinka ay sitaan.

Heerarkan waxbarasho ee sare ee jaamacaddu bilowday ayaa noqonaysaa markii ugu horaysay oo dalka gudihiisa laga hirgaliyo waxbarashadda sare, iyagoo intoodda badan jaamacaddaha dalku ku koobnaayeen oo qudha heerka waxbarashadda koowaad ee Degree-ga kowaad, taas oo baahi weyn loo qabay.

Jaamacada Camuud ayaa ah jaamacadii ugu horaysay ee Somaliland laga hirgaliyo, kuwaas oo soo saartay dhallinyaro badan oo aqoonyahano ah, waxaanay ka kooban tahay kuulliyaddo badan oo kala duwan, iyadoo ay wax ka bartaan arday ka kala yimid deegaano kala duwan oo ah deegaamadda Soomaalidu degto oo dhan.

Waxbarashadan sare ee ay bilawdayna waxay noqonaysaa mid fursad u siinaysa dhalinyaro badan oo heerka waxbarashadda kowaad dhamaystay oo u baahnaa inay aqoontoodda kor u sii qaadaan, kuwaas oo inta badan tagi jiray dalalka Dibadda oo kharash badani kaga bixi jiray.

Sidoo kale, laba maalmood ka hor waxa jaamacadda Camuud ka qalinjabiyey tobaneeyo Dhakhaatiir ah oo muddo wax ka baranayey kuuliyadda daaweynta, kuwaas oo ku biiri doonna dhakhaatiirta dalka, maadaama oo baahi weyn loo qabo xaga dhakhaatiirta.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online  
[email protected]
Hargeysa, Somaliland