4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 8 , 2012
Wariye ka tirsan Telefishinka Universal oo xalay lagu dhaawacay Magaalada Muqdisho iyo xaaladiisa oo soo hagaageysa
Axad, July 08, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay ku dhaawacay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, wariye C/qaadir Cumar Cabdulle (Kuwaral) oo ka mid ahaa wariyeyaasha telefishinka Universal, iyadoo dhaawaca wariyaha la dhigay isbitaalka Madiina.

Dhaqaatiirta isbitaalka ayaa sheegay in wariyaha lagu dhuftay afar xabbadood oo mid ka mid ah ay kaga dhacday caloosha inkastoo aysan waxyeello geysan, halka saddexda kalena ay kaga qaybta hoose ee jirkiisa.

"Laba ruux oo bastoolado ku hubeysan ayaa wariyaha ku weeraray gurigiisa xilli uu ka yimid shaqo. Isagoo dibadda taagan ayuu arkay labadan nin oo bastoolado lasoo baxaya gudaha ayuu ku cararay way kasoo daba-galeen dhowr xabbadood ayayna ku dhufteen," ayuu yiri wariye Tima-cadde oo isaguna ka mid wariyeyaasha ka holwgala Telefishinka Universal oo ay guri wada deggenaayeen wariyaha dhaawaca loo geystay.

Ma jirto cid sheegatay inay ka dambeyso dhaawaca wariyaha, iyadoo uu noqonayo warihii afaraad oo degmadaas ay ku weeraraan kooxo hubeysan sannadkan, iyadoo laba ka mid ah wariyeyaashaas la dilay halka labada kalena la dhaawacay.

"Wariyaha dhaawiciisu waa wanaagsan yahay, lug ayaa ka jaban, waxaana xalay lagu shubay dhiig fara badan," ayuu yiri wariye Tima-cadde oo kula sugan Isbitaalka isagoo xusay in wariyaha uusan sheegin cid uu tuhun ka qabay, balse ay filayaan in weerarkaas ay ka dambeeyaan kooxihii wariyeyaasha beegsan jiray.

Dowladda KMG ah iyo Xarakada Al-shabaab ayaa isku eedeeya dilalka wariyeyaasha loogu geysto Muqdisho, iyadoo sannadkan dilal iyo dhaawacyo kala duwan loogu geystay Muqdisho iyo qaybo kale oo dalka ka tirsan wariyeyaal fara badan.

Maamulka degmada Wadajir ayaan wax hadal ah kasoo saarin dhaawaca wariyahan loo geystay, iyadoo dhaawacan uu cabsi weyn ku beeray wariyeyaasha weli ka howlgalaya magaalada Muqdisho oo ah goob ay sannado badan colaado ka jireen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya