4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 7 , 2012
Rasaas dhimasho iyo dhaawac geystay oo ciidammo ka tirsan DKMG ah ay ku fureen gaari u socday Baydhabo
Sabti, July 07, 2012 (HOL) — Laba qof ayaa ku geeriyootay qof kalena dhaawac ayaa kasoo gaaray kaddib markii ciidamada dowladda KMG ah ay rasaas ku fureen gaari noociisu ahaa MARK II oo ku socday degmada Baydhabo ee gobolka Bay.

Gaarigan ayaa rasaasta lagu furay kaddib markii uu dhaafay koontarool ku yaallay agagaarka Jaamacadda Lafoole oo ku taalla inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye iyadoo labada qof ee dhintay ay middood ahayd haweeney ka mid ahayd rakaabkii gaariga la socday.

"Baabuurka raasasta lagu furay waxaa la socday askari ciidamada DKMG ka tirsan kaasoo darawalka amar ku siiyay inuu gudbo koontaroolka, waxaase ciidamadii ku sugnaa koontarool oo gaariga ka shakiyay ay ku fureen rasaas fara badan," ayuu yiri mid ka mid ah dadka ku nool deegaankaas.

Sidoo kale, waxaa ku dhintay rasaasta darawalkii gaariga, iyadoo qofkii dhaawaca ahaa loosoo qaaday dhinaca Muqdisho, iyadoo ciidamadii rasaasta gaariga ku furay ay halkooda joogana.

Ma jiraan xubno ka tirsan saraakiisha ciidamada dowladda oo weli gaaray goobta ay rasaastu ka dhacday, iyadoo la xusuusto in askari ka mid ah ciidamada dowladda ay ku xukuntay maxkamadda milateriga dil toogasho ah, kaddib markii lagu eedeeyay in gaari rakaab siday uu rasaas ku furay, taasoo dhalisay dhimasho iyo dhaawac.

Rakaabkii gaariga la socday oo kusii jeeday degmada Baydhabo ayaa qaarkood waxay ku sugan yihiin halkii uu gaarigu ku joogsaday, iyadoo qaarkood ay cabsi weyn ka muuqato sida ay kusoo warramayaan dadkii dhacadadaas goobjoogga u ahaa.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya