4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 7 , 2012
Madaxweynaha Puntland oo sheegay inuu welwel ka qabo in heshiiska Roadmap-ka lagu dhameystiro xilligii loogu talo-galay

Sabti, July 07, 2012 (HOL) — Madaxweynaha maamulka Puntland, Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa sheegay inuu walwal weyn ka qabo dhameystirka heshiiska Roadmap-ka oo uu wax ka saxiixay, isagoo sheegay in shirarka odayaasha ee Xamar ka socda ay xagal-daacin karaan dhameystirka khariidadda nabadda.

C/raxmaan Faroole, wuxuu sheegay in shirarka odayaasha ee Muqdisho ka socda aysan ku qornayn heshiisyadii la gaaray, isagoo intaas ku daray in arrintan ay wataan murashaxiinta u taagan xilka madaxnimo ee Soomaaliya, gaar ahaan madaxda dowladda KMG Soomaaliya.

"Heshiisyadii ka dhacay Garoowe iyo Gaalkacyo waxaa lagu heshiiyay in odayaasha dhaqanku ay ku laabtaan deegaannadooda, lana tashadaan bulshada rayidka ah iyo qabaa'ilkooda si ay u soo xulaan dadkii ansixin lahaa dastuurka iyo kuwii noqon lahaa xildhibaanno. Hase yeesheen taasi ma dhicin waxayna u muuqtaa mid aan u hiillinayn wixii lagu ballamay," ayuu yiri madaxweynaha Puntland oo u warramayay B BBC-da.

Madaxweynaha Puntland wuxuu sheegay in wixii iyagu ay qaban lahaayeen oo ay ka mid tahay dhameystirka dastuurka ay qabteen, isagoo xusay in haddii uu dhameystirmi waayo qorshaha Roadmap-ka ay mas'uulyadda qaadanayso Qaramada Midoobay oo ballanqaaday dhameystirka howshan.

Sidoo kale, madaxweynaha Puntland oo ka jawaabayay su'aal ahayd waxa geliyay cabsida weyn ee uu ka qabo inaan lagu dhameystirin heshiiska khariidadda nabadda waqtigii loogu talo-galay ayaa sheegay in isaga oo keliya uusan cabsida qabin, balse ay jiraan siyaasiyiin badan oo ku nool dibadda iyo gudaha dalka iyo beesha caalamkuba oo iyaguna qaban cabsi middan la mid ah.

"Wel-wel weyn baan ka qabnaa in waqtigii loogu talogay uu ku dhammaan waayo heshiiska; waayo waqtiga waa ciriiri," ayuu yiri madaxweynaha Puntlnad oo intaas ku daray in odayaasha dhaqanka la gaarsiiyay heer ka sarreeya howshooda, qaar ka mid ahna ay hami ka qabaan siyaasadda dalka.

Ugu dambeyn, madaxewynaha Puntland wuxuu sheegay in sababta keentay inuu aad uga welwelo dhametirka Roadmap-ka ay tahay inuu ka waaya-aragsan yahay mas'uuliyiinta kale ee heshiiskaas la saxiixay, isagoo xusay inuusan isagu ka mid ahayd dadka xilka u tartamaya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya