4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 5 , 2012
Maktabadda wareegta ee Buugaagta oo safar aqoon korodhsi ah ku maraya degmooyinka Somaliland


Khamiis, July, 5 2012 (HOL)- Maktabada wareegta oo qayb ka ah carwada caalamiga ah ee buugaagta Hargeysa oo maalmaha soo socda lagu qaban doono magaaladda Hargeysa, ayaa safar ku tagay magaalada Boorama ee gobolka Awdal, waxaana soo dhoweyey ardayda jaamacadaha Boorame iyo Naadiga Akhriska gobolka Awdal ee Maskax-maal.

Munaasibaddii qaabilaadda buugaagta geeddiga ah oo lagu qabtay Hudheelka Rays ee magaalada Borama waxa ka qayb galay masuuliyiinta Jaamacadda Cammuud oo uu horkacayo guddoomiyaha Jaamacaddaas Prof. Saleebaan Axmed Guuleed, arday tiro badan iyo sidoo kale marti-sharaf kale.

Maktabada wareegta oo ujeeddada ugu wayn ee laga leeyahay ay tahay sidii ay bulshada reer Somaliland ee ku dhaqan guud ahaan gobollada dalka ay u gaadhi lahaayeen buugaag kala duwan oo ka kooban cilmi iyo aqoon tiro badan oo runtii, taas oo ay dadweynaha aan fursad u helin buugaag akhrisku ay awood u heli karaan in ay akhristaan.


Safarkan ugu horeeya ee sannadkan ay ku timi Maktabada wareegta magaalada Boorama waxa gardaadinaya qoraaga Jaamac Muuse Jaamac, Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo ka qayb ah safarkan, qaar ka mid ah naadiyada akhriska ee gobollada dalka iyo xubno kale oo aqoonyahano ah.

Jaamac Muuse Jaamac oo ah gadh-wadeenka maktabadda wareegta iyo carwada caalamiga ah ee Hargeysa iyo sidoo kale agaasimaha seeska dhaqanka iyo suugaanta ee Redsea Online oo isna halkaa ka hadlay waxa uu si qoto dheer uga warramay ujeedada laga leeyahay maktabadda wareegta, macnaha ay ku fadhido iyo waliba qiimaha ay aqoon ahaan u leedahay bulshada. Isagoo dardaaran u diray da’yarta, isla markaana codsi u diray masuuliyiinta gobolka Awdal iyo degmada Boorama, si loo helo maktabado dadku wada leeyahay oo qof waliba awood u leeyahay in uu wax ku akhristo.

Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame(Hadraawi) oo munaasibadaas ka hadlay si xikmadaysan uga sheekeeyay xikmadda ku duugan dardaaran uu u dirayay dhalinyarada, aqoonyahanka iyo qaybaha kale ee bulshadaba. Waxaanu nuxurka hadalkiisu ahaa sidii dadka waawayn ee xilligan joogaa ay wax ugu sheegi lahayeen dadka da’da yar ee waqtigan, isla markaana ay uga faa’iidaynlahaayeen waayo-aragnimadooda ay ka kasbadeen waayaha.

Guddoomiyaha Jaamacada Camuud Prof:Saleebaan Axmed Guuleed oo isaguna ka hadlay qiimaha Maktabadani ay u leedahay dhalinyarada da’dayar.

Sidoo kale, waxa ay Maktabadan wareegaysaa soo martay degmadda Gabiley oo halkaasi ay ku soo dhoweeyeen naadiga Akhriska ee Timacadde iyo ardayda jaamacadda ee gobolkaasi.

Sidoo kale, Maktabadda wareegta ayaa safarkoodii xidhiidhka ahaa ee maalmihii u dambeeyay ku jireen  soo gaadhay degmadda Sheekh oo ka tirsan gobolka Saaxil, halkaasna waxa ku soo dhoweeyey  Naadiga Akhriska ee Degmada Sheekh.


Safarkan Geeddiga Bugaagta oo safarkan uu wehelinayo wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland Boobe Yuusuf Ducaale, ayaa munaasibad loogu qabtay hoolka xarunta degmada Sheekh, iyadoo maamulka degmadu uu kala qaybgalay munaasibadaas. Waxa lagu soo bandhigay Maktabadda wareegta iyo buugaag qiimo badan oo ay halkaas kula kulmeen ardayda wax ka barata dugsiyada  SOS iyo dugsiga Xanaannada Xoolaha ee degmadaas.

Waxa halkaasi hadalo ka soo jeediyey hogaamiyaha maktabadda wareegta Qoraa: Jaamac Muuse Jaamac,  Wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland Boobe Yuusuf Ducaale iyo maamulka degmadda Sheekh, kuwaas oo ardayda kula dardaarmay inay wax akhriyaan, buugaagtana ka faa’iidaystaan.


Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online 
[email protected]
Hargeysa, Somaliland