4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 5 , 2012
Fannaaniinta Kooxda Qayla-dhaan iyo Mas'uuliyiinta Hay'adda CCD oo si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Muqdihso

Khamiis, July 05, 2012 (HOL) — Wafdi uu horkacayay guddoomiyaha hay'adda CCD, Ciise Axmed Cumar oo ay ka mid ahaayeen fannaaniinta kooxda Qayla-dhaan sida Jooqle Shire Jaamac iyo, Cabdixakiim Ciise Guuleed (Farayare) ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

Boqolaal dadweyne ah ayaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha, waxayna si siman u gacmo-qaadeen dadkii soo dhaweeyay, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen guddoomiyeyaasha gobolka banaadir, fannaaniinta iyo xubno kale.

Jooqle Shire Jaamac iyo fannaanka Cabdixakiin Fara-yare oo war-fidiyeenka kula hadlay garoonka Aadan Cadde ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin dib ugu soo laabashada dhulkooda hooyo, waxayna caddeeyeen inay u soo hiloobeen ciidooda, iyagoo xusay inay Alle uga mahad-naqayaan imaatinkooda Soomaaliya.


Labada fannaan ayaa sidoo kale sheegay inay guddoomiyaha CCD, Ciise Axmed ay uga mahad-naqayaan gacanta uu ka geystay inay soo booqdaan Muqdisho, iyagoo hoosta ka xariiqay inay ka go'an tahay sidii ay dadkooda ula qeybsan lahaayeen marxaladda ay ku jiraan, waxayna tilmaameen inta ay joogaan Muqdisho inay qaban doonaan barnaamijyo nabadeed oo ay bulshada ku baraarujinayaan.

Mar ay labada fannaan ka sheekeynayeen sida ay u arkaan isbedelka nabadeed ee Muqdisho ka dhacay waxay sheegeen inay soo dhoweynayaan nabadda ka taaba gashay caasimada, waxayna tibaaxeen inay dadka Muqdisho ku boorinayaan sidii ay ugu sii fara adeygi lahaayeen nabadda ay ku naaloonayaan.

Fannaaniinta Jooqle iyo Farayare ayaa ugu dambeyntii iyagoo ilmeynaya waxay si qiiro leh u sheegeen inay sii kordhin doonaan suugaantooda ku saleysan maslaxada ummadda Soomaaliyeed.

Waa markii ugu horreysay muddo dheer oo ay hoboladaan dib ugu soo laabtaan dalkooda hooyo, iyagoo lagu xusuusto mudadii ay qurbaha ku noolaayeen sida baahsan oo ay fanka Soomaaliyeed u horumariyeen.





Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya