4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 5 , 2012
Ciidamada Dowladda KMG ah oo howgallo baaritaanno kawada degmooyinka Muqdisho ka tirsan iyo Ceelasha Biyaha

Khamiis, July 05, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda KMG ah ayaa saakay howgallo ka billaabay degmooyin ka tirsan Muqdisho iyo deegaanka Ceelasha Biyaha oo ka mid ah deegaannada ku yaalla inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye.

Degmooyinka gobolka Banaadir ee ay baaritaannadu ka socdaan ayaa waxaa ka mid ah: Yaaqshiid, Dayniile iyo Huriwaa iyadoo saraakiisha dowladdu ay sheegeen inay baaritaannadan yihiin kuwo lagu xaqiijinayo ammaanka caasimadda.

"Howgalladan waxaan ugu magac-darnay Nadiifinta Muqdisho, wayna soconayaan inta magaalada oo dhan laga dhigi doono mid nabad ah," ayay saraakiisha DKMG ah u sheegeen warbaahinta.

Goobjoogayaal ku sugan xaafadaha ay howgalladu ka socdaan oo ku teedsan jidka warsahadaha ee Muqdisho ayaa sheegay in ciidammo fara badan ay soo buuxiyeen deegaannadooda, kuwaasoo bartilmaameed ka dhiganaya dhallinyarada.

Dhanka kale, howgallo lagu raadinayo xoogag ka tirsan Al-shabaab ayay ciidamada dowladdu kawadaan deegaanno uu ka mid yahay Ceelasha biyaha oo ku yaalla inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye.

Howgalladan ayaa waxay noqonayaa kuwii ballaarnaa ee ciidamadu dowladdu ay si kala gooni-gooni ah uga fuliyaan Muqdisho iyo daafaheeda, iyadoo howgalladan ay kusoo beegmayaan xilli ay weli dagaallo iyo qaraxyo ka dhacayaan degmooyin ka tirsan Muqdisho.

Ciidamada dowladda ayaa la sheegay inay qabqabteen dhallinyaro fara badan oo ay ku eedeynayaan inay xiriir la leeyihiin Al-shabaab, kuwaasoo saraakiishu sheegeen in baaritaanno lagu sameynayo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya