4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 5 , 2012
Qarax khasaare nafeed geystay oo xalay ka dhacay degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir

Khamiis, July 05, 2012 (HOL) — Hal qof oo la sheegay inuu ahaa ruuxii aasayay ayaa ku dhintay miino xalay ka qaraxday degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, iyadoo maamulka degmadaas uu sheegay inaysan jirin cid kale oo waxyeello kasoo gaartay qaraxaas.

Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid, Muxyadiin Xasan Jurrus ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa mid lagu aasayay jid ay dadweyne fara badan maraan, balse ay si lama filaan ah u qarxday uuna ku dhintay mid ka mid ah kooxihii aasayay qaraxaas.

"Qaruxu wuxuu ahaa mid ka dhashay miino dhulka lagu aasayay, waxaa dhintay mid ka mid ah kooxihii aasaayay, mana jirto cid kale oo ay khasaare kasoo gaartay," ayuu yiri guddoomiyahaa degmada Yaaqshiid oo saxaafadda la hadlayay saakay.

Ma jirto cid loo qabtay qaraxaas, sidoo kalena ma jirto cid sheegatay inay mas'uul ka tahay weerarkaas oo qayb ka noqonaya qaraxyo dhowr ah oo Muqdisho ka dhacay tan iyo markii ay Al-shabaab isaga baxday.

Goobjoogayaal ku sugan xaafadda uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegay in qarax weyn ay maqleen, markii ay saakay tageen halkii uu ka dhacayna ay ku arkeen hal qof oo mayd ah.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa habeennadii ka dhaca qaraxyo iyo israsaaseyn u dhexeysa kooxo hubeysan iyo ciidamada dowladda oo fariisimo ku leh isgoysyada magaalada Muqdisho intooda badan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya