4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 4 , 2012
Madaxweyne Siillaanyo oo sheegay in aaney gorgortan galayn madax banaanidda Somaliland balse uu ogol yahay wax wada qabsi


Arbaco, Luulyo,4, 2012 (HOL)- Weftigii uu hogaaminayey Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ee kulanka kula yeeshay madaxweynaha Soomaaliya Md: Sheekh Shariif Sh. Axmed magaaladda Dubia ee imaaraadka Carabta ayaa dalka dib ugu soo laabtay, kana soo degay madaarka Berbera ee gobolka Saaxil.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo madaarka Berbera warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay in aanu diidanayn wax wada qabsiga Somalia, balse ay qadiyadda Somaliland ee madax banaanidu tahay mid aan gorgortan gali Karin, isla markaana mawqifkoodda ay madasha ka cadeeyeen.

 “Waxaanu Madaxweynaha Somalia isku afgaranay oo ka wada hadalnay in wada hadalada labada dhinac ay sii socdaan oo wixii maslaxad loo arko laga wada hadlo. Anagu  haddii aanu Somaliland nahay waxaanu mar walba ku adkaysanay, kuna adkaysanaynaa inaan waxba ka qabin wada hadalka walaalahayaga Soomaaliya wax wada qabsigeedda, Hase ahaatee gooni isu taaga Somaliland aanu ahayn marnaba wax gor-gortan geli kara oo madax-banaanideedu tahay lama taabtaan.”ayuu yidhi madaxweyne Siillaanyo oo sharaxaya kulanka uu la yeeshay madaxweyne Shariif.


 “Labadda Madaxweyne waxay fasaxeen in labadda guddi ay gudo galaan arrimaha muhiimka u ah laba dal ee bartilmaameedka laga dhigay shirkii hore. Waxaanu markaa rajaynaynaa in wada hadaladani ay Somaliland horumar weyn u yeeshaan madax-banaanideeda iyo horumarkeedaba.waxaanu rajaynaynaa inaanu Soomaaliya la yeelano xidhiidh wanaagsan oo jaarnimo,”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland oo ka hadlayey qodobadii lagu heshiiyey.

Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ahna guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UDUB, ayaa sheegay in wada hadalka labada dhinac si soconayaan, balse madax banaanidda Somaliland tahay lama taabtaan, isla markaana ay ka go’an tahay in aan laga wada hadli Karin madax banaanida Somaliland.

Sidoo kale, waxa isna ka hadlay gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng: Faysal Cali Waraabe oo soo dhoweeyey wada hadalkaasi, isagoo sheegay in la sii xoojiyey uun guddidii heerka wasiiradda ahaa natiijadii ay so saareen.


Madaxweynaha Somaliland waxa weftigiisa xubno ka ahaa Guddoomiyeyaasha sadexda xisbi qaran ee UDUB, KULMIYE, UCID, Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada, Wasiirrada Arrimaha dibada, Madaxtooyada, Gaashaan-dhiga, Marwada Koowaad ee Madaxweynaha, marwadda madaxweynihii hore,  Afhayeenka Madaxtooyadda , Maareeyaha dekada Berbera iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha.

Madaxweynuhu waxa u halkaasi salaam sharaf kaga qaatay cutubyo ka tirsan ciidamadda Milatariga, waxaana halkaasi ku soo dhoweeyey Wasiiro, Xildhibaano, salaadiin, maamulka gobolka Saaxil iyo dadweyne aad u badan.




Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online 
[email protected]
Hargeysa, Somaliland