4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 4 , 2012
Soomaaliya oo ka qeybgeleysa tartanka Olombikada Adduunka ee London ka furmi doona


Arbaco, July 04, 2012-Mas’uuliyiin Isboorti iyo Ciyaartoy ka socda dalka Soomaaliya ayaa ka qeybgeleysa tartanka Olombikada Adduunka oo 27-ka bishan ka furmi doona magaalada London ee dalka Britain.

Guddoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed Duran Axmed Faarax ayaa HOL u sheegay in diyaargarowga ka qeybgalka tartanka uu meel wanaagsan u marayo, wuxuuna xusay in Mas’uuliyiin iyo ciyaartoy ka socda dalka Soomaaliya ay inta aan la gaarin 20-ka bishan soo gaari doonaan magaalada London.

“Arrinta diyaargarowga meel wanaagsan ayay mareysaa, waxaana tartanka Soomaaliya uga soo qeybgeli doona wafdi ka kooban 9 xubnood oo isugu jira mas’uuliyiin Isboorti iyo ciyaartoy, waxaaney ciyaartoyda yihiin kuwo dhinaca ciyaaraha fudud ah”ayuu yiri Duran Faarax.

Duran Faarax waxaa uu intaas ku daray in Guddiga Olombikada Soomaaliyeed iyo Guddiga qabanqaabada ciyaaraha Olombikada Adduunka ee London iyo hay’adda xuduudaha UK koontaroosha ee (UK Border Agency) ay ka shaqeynayaan sidii tas-hiilaadka imaanshaha wafdigan loo fududeyn lahaa, wuxuuna caddeeyay in arrintaas ay meel gebogebo ah mareyso.

Sanadkii 2008 ayay ahayd markii wafdi sare oo ka socda Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee GOS iyo ciyaartoy ay ka qeybgaleen tartankii Olombikada Adduunka ee Beijing-China lagu qabtay, wuxuuna wafdigaas Soomaaliyeed iyo ciyaartoydiiba ay calanka Soomaaliya ku soo bandhigeen fagaarahaas caalamiga ahaa ee Beijing, waxayna taas ahayd mid si weyn loogu farxay.

Nasiib-darro sanadkan waxay ciyaaraha Olombikada Adduunka ku soo beegmayaan iyadoo qaraxii ka dhacay tiyaatarka Muqdisho ay ku dhinteen mas’uuliyiin Isboorti oo uu ka mid ahaa Guddoomiyihii Guddiga Olombikada Soomaaliyeed Alle ha u naxariistee Aadan Yabarow Wiish.

Si kastaba Arrintu ha ahaa, tartanka Olombikada Adduunka ee dhammaadka bishan ka furmi doona Magaalada London ayaa waxaa caalamka ka daawan doona dad lagu qiyaasay 4.7 Billion oo ruux (sida laga soo xigtay Nielsen), halka ay ka soo qeybgelayaan shakhsiyaad isboorti oo ciyaartoy, madax iyo taageerayaal isugu jira, kuwaasi oo ka kala imaan doona 205 dal oo  uu dalka Soomaaliya ku jiro.


Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]