4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 4 , 2012
Ardey Imtixaan u fariisatay Jaamacada Plasma ee magaalada Beledweyne


Arbaco, July, 04, 2012 (HOL)  -- Jaamacada Plasma oo ka mid ah Jaamacadaha ka furan magaalada Beledweyne ee xarunta gobollka Hiiraan ayaa waxaa imtixaan u fariistay in ka badan 100 ardey ah oo isugu jiray kuwa barta maadada caafimaadka iyo ganacsiga.

Hormuudka Jaamacada Plasma ee gobollka Hiiraan Abuukar C/dulle Muumin oo la hadllayay HOL ayaa sheegay in ardeyda Imitaaxka la qaadayo yahay mid qeybo kala duwan isugu jira, isaga oo intaa ku darray in Jaamacadu shaqeyso todobaadka oo dhan.

‘’Imtixaanka hadda loo fadhiyo waxaa uu ka kooban yahay mid ardeyga su’aalo toos loo weydiinayo, mid qoraal ah, iyo waliba mid gacanta laga shaqeynayo oo uu qofku ku shaqeynayo wixii uu soo bartay, ayuu yiri,’’ Hormuudka Jaamacada.

Waxaa uu intaa ku darray in marka laga soo tago waxbarashada caadiga ah oo ay Jaamacadu bixiso sidoo kale ay ka caawiso dhalinyarrada sidii loogu abuuri lahaa xirfado ay ku shaqeystaan, isaga oo sheegay in dhawaan waxbarasho ay iska kaashadeen Jaamacada Plasma farceeda gobollka Hiiraan iyo NGO-yo maxali ah ku bareen maadada caafimaadka in ka badan 60 dhalinyarro ah oo hadda ku shaqeysatay xirfadihii ay barteen.


Sidoo kale Jaamacada ayuu sheegay in maalmaha Khamiista iyo Jimcaha ay wax ka bartaan dadka iyagu aan fursadaha helin maalmaha kale, taasoo keentay in todobaadka oo dhan Jaamacadu tahay mid shaqeysa.

Ardeyda Imitaaxka u fadhisan Jaamacada oo qaarkood la hadllay HOL ayaa sheegay in ay siweyn ugu faraxsan yihiin waxbarashada Jaamacada, gaar ahaan maadada caafimaadka oo ay bartaan tiro ardey ah.

Hormuudka Jaamacada ayaa ugu danbeytii kula dardaarmay ardeyda in ay muujiyaan dadaal dheeraad ah simarkaa ay uga gun-gaaraan yoolka ay hiigsanayaan.



C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya.