4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 4 , 2012
Madaxweynaha Uganda oo sheegay in howgalka ciidamadoodu ka wadaan Soomaaliya aysan dan gaar ah ka leeyihiin
Arbaco, July 04, 2012 (HOL) — Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa sheegay in howgalka ay ciidamadiisa qaybta ka ah howlgalka AMISOM ee ku sugan Soomaaliya aysan ahayn kuwo ay dano gaar ah ka leeyihiin.

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad loogu dabaal-dagayay 50-sano guuradii kasoo wareegtay markii dalka Burundi uu xorriyadiisa qaatay ayaa wuxuu ku sheegay in ciidamadiisu ay xoojin doonaan dagaalka ay kula jiraan Al-shababa oo ku biirtay Al-Qaacida.

“Ciidamadeedna waxay la howgalaan kuwa dowladda KMG Soomaaliya, waxayna ka sameeyeen horumar dagaalladii ay galeen oo dhan, hadda waxay joogaan gobollo ka baxsan magaalada Muqdisho,” ayuu yiri Museveni.

Dalka Uganda ayaa waxaa kaga sugan Soomaaliya in ka badan 5,000 oo askari oo qayb ka ah howgalka Midowga Afrika ee AMISOM, waana markii ugu horreysay tan iyo markii uu billowday howlgalkooda sannadkii 2007 ay tagaan goobo ka baxsan Muqdisho.

Madaxweynaha Uganda wuxuu sheegay in ciidamada AMISOM ay howgalkooda wadi doonaan inta ay ka cirib-tirayaan Al-shabaab, wuxuuna sidoo kale ammaanay ciidanka ka socda dalka Burundi ee qaybta ka ah howgalka.

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo dhawaan dalalka Itoobiya, Kenya iyo Burundi ay sheegeen inaysan ciidamadooda ka baxayn Soomaaliya inta laga adkaanayo Al-shabaab lagana soo celinayo ammaanka guud ee Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya