3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 4 , 2012
Madaxweynaha Uganda oo sheegay in howgalka ciidamadoodu ka wadaan Soomaaliya aysan dan gaar ah ka leeyihiin
Arbaco, July 04, 2012 (HOL) — Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa sheegay in howgalka ay ciidamadiisa qaybta ka ah howlgalka AMISOM ee ku sugan Soomaaliya aysan ahayn kuwo ay dano gaar ah ka leeyihiin.

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad loogu dabaal-dagayay 50-sano guuradii kasoo wareegtay markii dalka Burundi uu xorriyadiisa qaatay ayaa wuxuu ku sheegay in ciidamadiisu ay xoojin doonaan dagaalka ay kula jiraan Al-shababa oo ku biirtay Al-Qaacida.

“Ciidamadeedna waxay la howgalaan kuwa dowladda KMG Soomaaliya, waxayna ka sameeyeen horumar dagaalladii ay galeen oo dhan, hadda waxay joogaan gobollo ka baxsan magaalada Muqdisho,” ayuu yiri Museveni.

Dalka Uganda ayaa waxaa kaga sugan Soomaaliya in ka badan 5,000 oo askari oo qayb ka ah howgalka Midowga Afrika ee AMISOM, waana markii ugu horreysay tan iyo markii uu billowday howlgalkooda sannadkii 2007 ay tagaan goobo ka baxsan Muqdisho.

Madaxweynaha Uganda wuxuu sheegay in ciidamada AMISOM ay howgalkooda wadi doonaan inta ay ka cirib-tirayaan Al-shabaab, wuxuuna sidoo kale ammaanay ciidanka ka socda dalka Burundi ee qaybta ka ah howgalka.

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo dhawaan dalalka Itoobiya, Kenya iyo Burundi ay sheegeen inaysan ciidamadooda ka baxayn Soomaaliya inta laga adkaanayo Al-shabaab lagana soo celinayo ammaanka guud ee Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
7/4/2012 2:04 PM EST
Arbaco, Luulyo,4, 2012 (HOL)- Weftigii uu hogaaminayey Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ee kulanka kula yeeshay madaxweynaha Soomaaliya Md: Sheekh Shariif Sh. Axmed magaaladda Dubia ee imaaraadka Carabta ayaa dalka dib ugu soo laabtay, kana soo degay madaarka Berbera ee gobolka Saaxil.

7/4/2012 12:40 PM EST
Arbaco, July 04, 2012-Mas’uuliyiin Isboorti iyo Ciyaartoy ka socda dalka Soomaaliya ayaa ka qeybgeleysa tartanka Olombikada Adduunka oo 27-ka bishan ka furmi doona magaalada London ee dalka Britain.

7/4/2012 8:37 AM EST
Arbaco, July, 04, 2012 (HOL) -- Jaamacada Plasma oo ka mid ah Jaamacadaha ka furan magaalada Beledweyne ee xarunta gobollka Hiiraan ayaa waxaa imtixaan u fariistay in ka badan 100 ardey ah oo isugu jiray kuwa barta maadada caafimaadka iyo ganacsiga.

7/4/2012 7:47 AM EST
Arbaco, July 04, 2012 (HOL) — Dooddan oo ay ka qaybteen odayaal dhaqan ayaa waxaa soo qabanqaabisay hay'adda midnimada dhalinyarada Soomaaliyed ee UYS oo ay ka qayb-galeen odayaal-dhaqameedyo, waxaana looga hadlay doorka ay ku yeelan karaan odayaasha dhaqanka ka qaybqaaadasha sugidda ammaanka.

7/4/2012 7:30 AM EST
Arbaco, July 04, 2012 (HOL) — Kaddib shir laba maalmood uga socday kooxda ICG ee xiriirka caalamiga Soomaaliya ayaa waxaa laga soo saaray qodobbo dhowr ah, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen in madaxda DKMG ah ay ku dhameystiraan xilliga KMG ah waqtigii loo qabtay ee 20-ka bisha Ogoosto ee sannadkan.

7/4/2012 3:40 AM EST
Arbaco, July 04, 2012 (HOL) — Dowladda KMG Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa kala saxiixday qorshe howleed lagu joojinayo in carruurta laga dhigto askar, iyadoo heshiiskan lagu gaaray shirkii ka dhacay Roma, waxanaa dhinaca Qaramada Midoobay u saxiixay ergayga gaarka ee arrimaha Soomaaliya, dajire Augustine P. Mahiga iyadoo dhinaca DKMG ah uu u saxiixay wasiirka gaashaandhigga, Xuseen Carab Ciise.

7/4/2012 3:07 AM EST
Arbaco, July 04, 2012 (HOL) — Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeeed ee soo xulaya ergada ansixinaysa dastuurka cusub ayaa sheegay in DKMG ay fara-gelin ku hayso shirkooda, iyagoo xusay inaysan u madax-bannaaneyn howlahooda.

7/4/2012 2:43 AM EST
Arbaco, July 04, 2012 (HOL) — Deeqaha bixiya ee caalamka ee ka qaybgalay shirkii arrimaha Soomaaliya looga hadlayay ee dhacay magaalada Roma ee xarunta dalka Talyaaniga ayaa dalbaday in dastuurka cusub ee Soomaaliya uu noqdo mid dhowraya xorriyadda diimaha.