4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 4 , 2012
Koox xiriirka Caalamiga Soomaaliya oo kula Talisay Madaxda Dowladda KMG inay bisha Ogoosto ku dhameystiraan KMG-nimada
Arbaco, July 04, 2012 (HOL) — Kaddib shir laba maalmood uga socday kooxda ICG ee xiriirka caalamiga Soomaaliya ayaa waxaa laga soo saaray qodobbo dhowr ah, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen in madaxda DKMG ah ay ku dhameystiraan xilliga KMG ah waqtigii loo qabtay ee 20-ka bisha Ogoosto ee sannadkan.

Warmurtiyeed kasoo baxay shirka ayaa waxaa lagu sheegay in madaxda dowladda looga baahan yahay inay howlaha dhiman ee khariidadda nabadda lagu dameystiro bisha Ogoosto lana qabto doorashada afhayeenka baarlamaanka iyo madaxweynaha cusub ee dalka.

Sidoo kale, ICG waxay ku talisay in ansixinta dastuurka ay dhacdo waqtigii horay loogu qabtay ee ahaa 12-ka bishan Luuliyo illaa 20-ka bishan, sidoo kalena lasoo doorto afarta bisha Ogoosto guddoomiyaha baarlamaanka, doorashada madaxweynahana ay dhaco 20-ka Ogoosto.

Kooxda ICG waxay codsatay in si deg-deg ah ay hawshooda u bilaabaan gudiga dhex-dhexaadinta odayaasha dhaqanka, xafiiska isku-duwidda saxiixayaasha Roadmap-ka, guddiga fududeynta farsamada iyo guddiga doorashada.

Qodobbada ay kooxdu soo jeedisay waxaa ka mid ah in in baarlamaanka cusub ee lasoo dhisayo uu noqdo mid ku shaqeeya rabitaanka shacabka, gaar ahaan tayada xubnaha baarlamaanka, dheeli-tirnaan xagga jinsiyada iyo awooda fulinta go’aanada dowladda.

Kooxda waxay taageertay fariintii ay si wadajir ah u qoreen kuna saabsanayd qas-wadayaasha iyo kuwa kasoo horjeeda geedi-socodka nabadda in loo gudbinayo golaha wasiiraha ee IGAD iyo kooxda daba-galka ee Qaramada Midoobay si cunno-qabateyn loogu soo rogo.

Mar ay kooxdu ka hadasahay dhinaca nabadgalyada ayaa waxay ammaantay guulaha ay dagaallada lagula jiro Al-shabaab ka gaareen ciidamada dowladda KMG ah, AMISOM iyo kuwa ka socda dalalka ay ka mid yihiin Ethiopia.

Sidoo kale, kooxdu waxay ugu baaqday Al-shabaab iyo kooxaha kale inay colaadda joojiyaan ayna ku biiraan hanaanka nabadeed ee socda. Iyadoo dhanka taageertay go'aankii golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ku kordhiyay tirada AMISOM.

ICG waxay sidoo kale ka hadleen qodob ku saabsan xasilinta Soomaaliya, iyagoo soo jeediyay in loo baahan yahay goobaha laga qabsaday Al-shabaab loo sameeyo maamullo si loo sugo ammaanka goobahaas.

Ugu dambeyn, kooxda xiririka caalamiga ah ayaa waxay soo dhaweysay heshiisyadii ka dhacay London ee lagu dardar-gelinayay hannaanka siyaasadeed ee Soomaaliya iyadoo ku baaqday inay sii socdaan wadahadallada nabadeed.

Shirkan ayaa waxaa ka qaybgalay ururro iyo dalal ay ka mid yihiin: Midowga Afrika, Belgium, Burundi, Canada, China, Denmark, Djibouti, EAC, Egypt, Ethiopia, Midowga Yurub, Finland, France, Germany, IGAD, Bankiga Horumarinta Islaamka, Talyaaniga, Japan, Kenya, Koonfurta Korea, Jaamacadda Carabta, Netherlands, Norway, OIC, Qatar, Saudi Arabia, South Arica, Spain, Sudan, Sweden, Switzerland, Turkey, Uganda,  Mareyanka iyo Imaaraadka Carabta.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya