4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 4 , 2012
Dowladda KMG Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay oo kala saxiixday Qorshe Howleed lagu mamnuucayo in caruurta la askareeyo
Arbaco, July 04, 2012 (HOL) — Dowladda KMG Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa kala saxiixday qorshe howleed lagu joojinayo in carruurta laga dhigto askar, iyadoo heshiiskan lagu gaaray shirkii ka dhacay Roma, waxanaa dhinaca Qaramada Midoobay u saxiixay ergayga gaarka ee arrimaha Soomaaliya, dajire Augustine P. Mahiga iyadoo dhinaca DKMG ah uu u saxiixay wasiirka gaashaandhigga, Xuseen Carab Ciise.

Heshiiskan ayaa wuxuu dhigayaa in dowladdu aysan askar ahaan u qoran karin caruurta ka yar 18-ka sano, sidoo kalena ay ka shaqeyso sidii ay hadda uga saari askarteeda caruurta yaryar ee aan weli qaan-gaarin.

Qodobada qorshe howleedkan oo afar ahaa ayaa waxaa ka mid ah: In laga hortago in caruurta Soomaaliyeed ay ka mid noqdaan ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya, in caruurta oo dhan laga saaro ciidamada dowladda, in sharciga dalka lagu daro inay dambi tahay in caruurta askareeyo.

Tan iyo sannadkii 2007 dowladda KMG ah ee Soomaaliya waxay ku jirtay qaybaha Qaramada Midoobay ay u aqoonsan tahay inay askareeyaan caruurta, iyadoo uu heshiiska ka saarayo Dowladda KMG ah ee Soomaaliya liiskaas.

"Caruurta Soomaaliyeed waxay goobjoog u ahaayeen dhibaatooyin badan oo dhacay labaatankii sano ee ugu dambeeyay, waxayna ku koreen dagaallo. Waxayna dowladda KMG ah maanta aqoonsatay xaqa ay caruurtu u leeyihiin inay helaan waxbarasho iyo nolol wanaagsan. Iyadoo dowladdu muujisay sida ay muhiim u yahay heshiiskan ay saxiixday," ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Xuseen Carab Ciise.

Sidoo kale, danjire Mahiga ayaa sheegay in heshiiskan uu horseed u noqda doono in lasoo celiyo ammaanka guud ee Soomaaliya. "Qaramada Midoobay waxay taageero ku bixinaysaa dhaqangelin loo sameeyo caruurta ka mid noqday dhinaca dagaalka si ay helaan waxbarasho iyo nolol wanaagsan."

Dajire Mahiga wuxuu hadalkiisa ku daray in DKMG ah uu kula talinayo inay horay u socoto si caruurta loogu helo dhaqan-celin dhameystiran. Waxaana uu sheegay inuu soo dhaweynayo qorshe howleedkan billlowday.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya