4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 4 , 2012
Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed oo DKMG Somalia ku eedeeyay inay Fara-gelin ku hayso shirka uga socda Muqdisho
Arbaco, July 04, 2012 (HOL) — Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeeed ee soo xulaya ergada ansixinaysa dastuurka cusub ayaa sheegay in DKMG ay fara-gelin ku hayso shirkooda, iyagoo xusay inaysan u madax-bannaaneyn howlahooda.

Sidoo kale, odayaashu waxay dalbadeen in maalmo loogu daro xilliga laga sugayo inay soo gudbiyaan 825-xubnood ee ansixinaya dastuurka isla markaana soo xulaya baarlamaanka cusub, iyagoo sheegay inay soo gudbiyaana inta aan la gaarin bishan 10-keeda.

"Howlaheenna waxaa lagu hayaa faragelin, waxaana u aragnaa inay dowladdu doonayso inaan u noqonno maxlal, mana ogolaanayno taas," ayuu yiri mid ka mid ah oday-dhaqameedyada shirka ka qaybgalaya.

Sidoo kale, oday dhaqameedkan wuxuu sheegay inay u baahan yihiin furasad dheeri ah si ay u akhriyaan dastuurka una soo gudbiyaan ergadii loog baahnaa, isagoo ku daray hadalkiisa inaanay ka imaan doonin wax dhibaato u keenaya shacabka Soomaaliyeed.

"Madaxda DKMG ah waxay noo sheegeen markii uu shirku billaabanayay in faraha naloo geliyay masiirkii ummadda iyo dalka Soomaaliya, waxayna sheegeen inaanan go'aan ku lahayn talada dalka labadaasuna ma ahan kuwo is-qaban kara," ayuu yiri oday-dhaqmeedka hadlay.

Dhanka kale, waxaa hadalka qaatay wasiirka ganacsiga iyo warshadaha DKMG ah, C/wahaab Ugaas Khaliif oo sheegay in odayaasha dhaqanku ay yihiin kuwii wax ka ansixin lahaa dastuurka, wuxuuna sheegay in dowladdu ay san doonayn inay wax aan dani ugu jirin dalka iyo dadka ay shirkan kasoo baxaan.

Odayaasha dhaqanka ayaa toddobaad ka hor soo jeediyay in xildhibaanada cusub ee baarlamaanka la kordhiyo lagana dhigo tiradooda 275-xubnood, inkastoo DKMG ah ay arrintaas gaashaanka ku dhufatay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya