5/23/2022
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 4 , 2012
Deeq-bixiyeyaasha Caalamka oo dalbaday in Dastuurka Soomaaliya laga dhigo mid xushmeynaya diimaha aan Islaamka ahayn
Arbaco, July 04, 2012 (HOL) — Deeqaha bixiya ee caalamka ee ka qaybgalay shirkii arrimaha Soomaaliya looga hadlayay ee dhacay magaalada Roma ee xarunta dalka Talyaaniga ayaa dalbaday in dastuurka cusub ee Soomaaliya uu noqdo mid dhowraya xorriyadda diimaha.

Kulankaan ayaa ahaa mid looga hadlayay sidii gargaarka caalamka bixiyo lagu gaarsiin lahaa goobaha ay ciidamada dowladda iyo kuwa caawinaha ka saareen Xarakada Al-shabaab bilihii lasoo dhaafay.

"Waxaa waajib nagu ah in sharciyada iyo xorriyadda diimuhu ee dastuurka cusub ay noqdaan kuwo loo siman yahay, ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Taliyaaniga, Giulio Terzi oo dalkiisu uu mari geliyay shirkan.

"Diinta masiixiga iyo diimaha kale waa inay noqdaan kuwo si simman loo adeegsan karo," ayuu yiri, iyadoo dowladda Soomaaliya ay sheegtay in dastuurka cusub uu yahay mid lagu saleeyay diinta Islaamka.

Shirka Roma ayaa waxaa ka qaybgalay saraakiil ka socday 28 dal iyo wakiillada haya'daha caalamiga ah oo uu ku jiray ergayga gaarka ah ee xogyaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Sopomaaliya, dajire Augustine Mahiga.

Warqadihii siyaasadda ka hadlayay oo loo qaybiyay xubnaha shirka ka qaybgalyay ayaa lagu sheegay in xilliga KMG ah oo laga baxo lana helo dowlad rasmi ah ay tahay mid aad u dhib badan in xilligii loogu talogalay lagu fuliyo.

"Howlo badan oo ka mid ah khariidadda nabadda ama Roadmap-ka ayaan weli la qaban," ayaa lagu yiri qoraalkaas. Iyadoo madaxda dowladdu ay sheegayaan inay ku dhameyn doonaan xilliga KMG ah muddada loogu talogalay oo ah 20-ka Ogoosto ee sannadkan.

Afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo hadal ka jeediyay kulanka ayaa yiri: "Xaaladda Soomaaliya waxay maraysaa meel khatar ah... haddii aan gabagabeyno xilliga KMG ah, waxaan rajeynayaa in shacabka Soomaaliyeed ay geli doonaan xaalad cusub."

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali ayaa isaguna yiri: "Waxaan diyaarinaynaa aasaaska Soomaaliya cusub. Qaranka Soomaaliyeed wuxuu 20-ka Ogoosto kaddib u dabbaad-degi doonaa xilli cusub."

Odayaasha dhaqanka ee Muqdisho ku shirsan ayaa laga sugayaa inay soo xulaan ergooyinkii ansixin lahaa dastuurka cusub soona xuli lahaa xildhibaanno tiradoodu tahay 225-mudane si ay u bedelaan kuwa hadda shaqeynaya.

Dastuurka cusub oo qaybyo-qoraalka ah ayay madaxda Soomaalidu waxay iskula garteen bishii lasoo dhaafay shir ay ku yeesheen magaalada Nairobi, iyadoo loo gudbiyay odayaasha dhaqanka si ay uga soo talo-bixiyaan.

Lama oga sida ay madaxda dowladdu ku aqbali karaan in qabyo-qoraalka dastuurka ee la doonayo in la ansixiyo 12-ka bishan uu u noqon lahaa mid dhowraya xorriyadda diimaha.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
7/4/2012 2:04 PM EST
Arbaco, Luulyo,4, 2012 (HOL)- Weftigii uu hogaaminayey Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ee kulanka kula yeeshay madaxweynaha Soomaaliya Md: Sheekh Shariif Sh. Axmed magaaladda Dubia ee imaaraadka Carabta ayaa dalka dib ugu soo laabtay, kana soo degay madaarka Berbera ee gobolka Saaxil.

7/4/2012 12:40 PM EST
Arbaco, July 04, 2012-Mas’uuliyiin Isboorti iyo Ciyaartoy ka socda dalka Soomaaliya ayaa ka qeybgeleysa tartanka Olombikada Adduunka oo 27-ka bishan ka furmi doona magaalada London ee dalka Britain.

7/4/2012 8:37 AM EST
Arbaco, July, 04, 2012 (HOL) -- Jaamacada Plasma oo ka mid ah Jaamacadaha ka furan magaalada Beledweyne ee xarunta gobollka Hiiraan ayaa waxaa imtixaan u fariistay in ka badan 100 ardey ah oo isugu jiray kuwa barta maadada caafimaadka iyo ganacsiga.

7/4/2012 8:22 AM EST
Arbaco, July 04, 2012 (HOL) — Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa sheegay in howgalka ay ciidamadiisa qaybta ka ah howlgalka AMISOM ee ku sugan Soomaaliya aysan ahayn kuwo ay dano gaar ah ka leeyihiin.

7/4/2012 7:47 AM EST
Arbaco, July 04, 2012 (HOL) — Dooddan oo ay ka qaybteen odayaal dhaqan ayaa waxaa soo qabanqaabisay hay'adda midnimada dhalinyarada Soomaaliyed ee UYS oo ay ka qayb-galeen odayaal-dhaqameedyo, waxaana looga hadlay doorka ay ku yeelan karaan odayaasha dhaqanka ka qaybqaaadasha sugidda ammaanka.

7/4/2012 7:30 AM EST
Arbaco, July 04, 2012 (HOL) — Kaddib shir laba maalmood uga socday kooxda ICG ee xiriirka caalamiga Soomaaliya ayaa waxaa laga soo saaray qodobbo dhowr ah, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen in madaxda DKMG ah ay ku dhameystiraan xilliga KMG ah waqtigii loo qabtay ee 20-ka bisha Ogoosto ee sannadkan.

7/4/2012 3:40 AM EST
Arbaco, July 04, 2012 (HOL) — Dowladda KMG Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa kala saxiixday qorshe howleed lagu joojinayo in carruurta laga dhigto askar, iyadoo heshiiskan lagu gaaray shirkii ka dhacay Roma, waxanaa dhinaca Qaramada Midoobay u saxiixay ergayga gaarka ee arrimaha Soomaaliya, dajire Augustine P. Mahiga iyadoo dhinaca DKMG ah uu u saxiixay wasiirka gaashaandhigga, Xuseen Carab Ciise.

7/4/2012 3:07 AM EST
Arbaco, July 04, 2012 (HOL) — Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeeed ee soo xulaya ergada ansixinaysa dastuurka cusub ayaa sheegay in DKMG ay fara-gelin ku hayso shirkooda, iyagoo xusay inaysan u madax-bannaaneyn howlahooda.