4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 26, 2012
Bannaanbax lagu dalbanayo inay xilliga KMG ah lasoo gabgabeeyo Ogoosto lana qabto doorasho xalaal ah oo Muqdisho ka dhacay
DIBAD.jpg

Khamiis, July 26, 2012 (HOL) — Waxaa magaalada Muqdisho maanta oo Khamiis ah ka dhacay dibadbax lagu dalbanayo in xilliga KMG ah lasoo gabgabeeyo 20-ka bisha Ogoosto ee soo sannadkan iyo in la qabto doorasho xor ah oo xalaal ah.

Banaanbaxan oo ay kasoo qaybgaleen boqolaal qof ayaa sidoo kale lagu taageeray shirka ansixinta dastuurka ee ka furmay Muqdisho, kaasoo sagaal maalmood socon doona, gun dhina u ah sida ay madaxda DKMG ah sheegeen in laga gudbo KMG-ka.

"Waxaan doonaynaa in lasoo gabgabeeyo xiliga KMG ah bisha Ogoosto ee sanadkan sidoo kalena la qabto doorasho xor ah oo xalaal ah," ayaa ku qornaa boorarki ay wateen dibadbaxayaasha, kuwaasoo socod ku maray waddooyinka Muqdisho qaar ka mid ah.

Dadweynihii dibadbaxa dhigayay oo isugu jiray qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa waxay ku qaylinayeen inaysan ogolaan karin in xilliga KMG ah uu dib uga dhaco xilligii loo qabtay, iyagoo sheegay inay soo dhaweynayaan tallaabo walba oo lagu doonayo in KMG-nimada looga baxo.

DIBAD2.jpg

"Wax walba oo horumar horseedaya waan soo dhaweynaynaa, waayo kuma sii jiri karno xilli KMG ah, waxaan doonaynaa Soomaaliya oo dib cagaheeda isugu taagta," ayay tiri mid ka mid haweenkii dibadbaxa ka qaybqaadanayay.

Bannaanbaxan ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay oo shacabka Muqdisho ay ku dalbadaan in ka bixitaanka xilliga KMG ah aanu ka dib marin bisha Ogoosto ee soo socota, waxaana tani ay muujinaysaa inay dadku ka daaleen dhibaatooyinkii dalka soo maray.

Ugu dambeyn, dibadbaxayaasha qaarkood ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in Muqdisho ay martigelisay shirka lagu ansixinayo dastuurka laguna dhisayo dowlad aan KMG ah ahayn oo ay Soomaaliya yeelato.

DIBAD4.jpg
DIBAD3.jpg
DIBAD5.jpg
DIBAD6.jpg
DIBAD7.jpg
DIBAD8.jpg
DIBAD9.jpg

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya