4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 26, 2012
Ciidamada AMISOM oo lagu wado inay dhammaadka bishan si rasmi ah ula wareegaan sugidda ammaanka Baydhabo
Khamiis, July 26, 2012 (HOL) — Ciidamada AMISOM ee ku sugna Baydhabo oo 100 askari ka kooban ayaa waxay isku diyaarinayaan inay la wareegaan sugidda amniga degmada Baydhabo ee gobolka Bay, halkaasoo ay tageen bishii Abriil ee sannadkan.

Gaadiid gaashaaman ee ay wataan ciidamada AMISOM ayaa maalin walba si joogto ah loogu arkaa iyagoo dhexmaraya bartamaha Baydhabo, iyadoo saraakiil ka socda AMISOM ay iyaguna booqashooyin ku tagaan degmadaas.

"Maalin walba ayaan ku aragnaa gudaha degmada ciidamada AMISOM oo socod ku maraya, balse weli waxaa jooga ciidamada Itoobiya kuwaasoo mararka qaarkood roondooyin ku sameeyay gudaha degmada," ayuu yiri goobjooge ku sugan Baydhabo.

Ciidamada AMISOM ee ku sugan Baydhabo ayaa waxay ka kala socdaan dalalka Burundi iyo Uganda, waxayna degmadaas ahayd halkii ugu horreysay oo la geeyo ciidammo ka socda Midowga Afrika tan iyo markii ay howgalkooda nabad ilaalineed ka billaabeen magaalada Muqdisho.

Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda KMG ah oo ku sugan degmada Baydhabo ayaa laga soo xigtay in ciidamada AMISOM ay la wareegi doonaan ammaanka Baydhabo dhammaadka bishan July oo ay maalmo ka harsan yihiin.

Sidoo kale, ciidamada AMISOM ayaa waxaa la geeyay degmada Baladweyne oo ka mid ah degmooyinkii Al-shabaab laga qabsaday lix bilood ka hor, waxaana ciidanka la geeyay halkaas ay ka socdaan dalka Jabuuti.

Dhanka kale, waxaa maalintii labaad xabsiga Baydhabo ku jira taliyihii qaybta booliiska ee gobolka Bay iyo taliyaha saldhigga Baydhabo, kuwaasoo lagu eedeeyay inay fududeeyeen falal ammaan-darro oo magaaladaas ka dhacay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya